Inter Milan ayaa kusii dhowaanaysa inay heshiis buuxa kala gaadho kooxda Tottenham, kubbad sameeyaha reer Denmark ee Christian Eriksen.

Sida ay ku warrantay Sky Sports, Inter Milan waxay diyaar u tahay inay bixiso £17 milyan oo Tottenham ku xidhay laacibkan, waxaana kaliya ay ka shaqaynaysaa in heshiis shaqsi ah ay la gaadho Eriksen oo doonaya in la siiyo mushahar sannadkii ah £8.5 milyan.

Warku waxa uu sheegay in labada kooxood aanu jirin farqi weyn oo u dhexeeya oo ay labada dhinacba ku qanacsan yihiin in qiimahani uu macquul yahay maadaama uu Eriksen haysto lix bilood oo kaliya oo uu Spurs ku sugnaan doono oo uu heshiiskiisu dhacayo, taas oo Tottenham ku qasbaysa inay iska qaadato lacagtan yar iyadoo sannad ka hor ku doonaysay in lagaga iibsado in ka badan £60 milyan.

Dhinaca kale, sida uu wargeyska Mirrror qoray saaka, kooxda reer France ee PSG ayaa kusoo biirtay loollanka Eriksen, waxaanay doonaysaa inay Inter Milan ka hor qaaddo laacibkan, iyadoo rumaysan inay ku heli karayso illaa 14 milyan oo Gini.

Tababare Jose Mourinho ayaa markii ay dhamaatay ciyaartii xalay ee FA Cup oo Spurs ay ku garaacday Middlesbrough, waxa uu sheegay in Eriksen ay u fududayn doonaan inuu iska baxo mar haddii uu diiday inuu heshiis cusub saxeexo.

“Haddii go’aankiisu yahay inuu tago, waa inuu baxo iyadoo madaxiisu sare jiro, haddii uu isku dayey inuu wax kasta siiyo kooxdan.” Ayuu yidhi Jose Mouirnho.

Si kastaba ha ahaatee, Eriksen ayaa bishan January ka bixi doona Tottenham, waxaana loo badinayaa in uu tegi doono waddanka Talyaaniga oo uu ku biiri doono Inter Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here