Xiddiga Manchester City John Stones ayaa lagu waramayaa inuu diyaar u yahay inuu wadahadalo la yeesho tababare Mikel Arteta si uu bishaan Janaayo ugu wareego kooxda Arsenal.

25 jirkaan ayaa ku guuldareystay inuu kabsado kalsoonida tababare Pep Guardiola ka dib markii uu sameeyay qaladaad waa weyn seddexdii sanno iyo bar ee uu joogay Etihad Stadium, waxaana dhanka doorashada ka hormaray xiddiga khadka dhexe Fernandinho oo haatan daafac dhexe ka ciyaaraya.

Arsenal ayaa suuqa ugu jirta inay hesho daafac ay ku sii adkeyso kooxdeeda ka dib markii uu dhaawac halis ah soo gaaray Calum Chambers kaasoo seegaya inta ka harsan xilli ciyaareedkan, iyadoo Arteta uu doonaya inuu heshiis amaah ah ama joogta ah ku raadiyo Stones.

Sida ay sheegtay jariirada The Sun, Stones ayaa xiiseynaya inuu la hadlo Gunners si uu u helo kubad joogta ah oo uu ugu dagaalamo booskiisa xulka England ee koobka Euro 2020.

Stones ayaa waxaa isku biirtay qaab ciyaareed xumo iyo dhaawacyo iyadoo xiddigii hore ee Everton uu kaliya sagaal kulan oo Premier League ah ku soo bilowday xilli ciyaareedkan.

Arteta ayaa xiriir fiican la leh Stones madaama uu ahaa ilaa iyo bilowgii xilli ciyaareedkan caawiyaha Pep Guardiola, waxaana uu aaminsan yahay inuu ku haboon yahay qaab ciyaareedka Arsenal.

Stones iyo Arteta ayaa sidoo kale isku wakiil ah taasoo dedejin karta inuu daafaca Ingariiska u soo wareego Emirates laakiin haddii ay taasi dhacdo Pep Guardiola kuma faraxsanaan doono in caawiyihiisii hore uu durbaba bilaabo inuu dib u ugaarsado Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here