Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Janaayo ayaa furan iyadoo kooxaha ay baadigoob ugu jiraan xiddigihii ay isku sii adkeyn lahaayeen qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Sida aad uga barateen shabakada Laacib waxay idiin soo gudbineysaa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ee ay qoreen warbaahinta Yurub. Waxaan caawa oo Talaado ah idiin soo gudbineynaa heshiisyada la dhameystiray caawa iyo wararkii ay qoreen warbaahinta Yurub.

RASMI: Goolhayaha kooxda Arsenal Deyan Iliev ayaa heshiis amaah ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan ugu biiray kooxda ka dhisan horyaalka heerka koowaad ee Poland ee lagu magacaabo Jagiellonia Bailystok.

RASMI: Ninkii lahaa jiray saamiga labaad ee ugu badan kooxda Arsenal lisher Usmanov ayaa 30 milyan ginni oo kaash ah ku iibsaday xuquuqda magaca garoonka cusub ee ay dhisan doonto kooxda Everton, Ulisher Usmanov ayaa iska iibiyay saamigiisa Arsenal sannadkii 2018.

♦♦♦♦♦♦♦

Manchester United ayaa la sheegay inay dhameystirtay saxiixa daafaca dhexe ee Napoli Kalidou Koulibaly sida ay sheegtay idaacad Talyaani ah.

Saxiixa oo ku kacaya 60 milyan ginni oo uu xiddiga reer Senegal ugu soo wareegayo Old Trafford ayaa la dhameystiray sida uu sheegay joornaaliistaha Talyaaniga ee Fabio Santini.

♦♦♦♦♦♦♦

Arsenal ayaa la sheegay inay xiiseyneyso xiddiga khadka dhexe ee AC Milan Franck Kessie laakiin waxa ay tartan kala kulmi karaan kooxda reer London ee West Ham, sida ay qortay jariirada Talyaaniga ee Corriere dello Sport.

Kessie ayaa markii hore AC Milan kaga soo biiray kooxda Cessena sannadkii 2017, wuxuuna ciyaaryahan muhiim ah ka noqday kooxda Serie A ka dhisan halka uu xulka dalkiisa Ivory Coast u saftay 35 kulan.

♦♦♦♦♦♦♦

Barcelona ayaa isha la raaceysa inay 20 milyan ginni kula soo wareegto bishaan Janaayo xiddiga diirada u saaran Chelsea ee u dheela Inter Milan Gabigol si ay ugu bedelaan xiddiga dhaawacmay ee Luis Suarez sida ay qortay The Sun.

♦♦♦♦♦♦♦

Xiddigaha ku fashilmay Manchester United ee daafaca bidix Luke Shaw ayaa waxaa dooneysa kooxda Leicester City si uu bedel ugu noqdo xiddiga ay Chelsea dooneyso ee Ben Chilwell sida ay qortay jariirada The Sun.

♦♦♦♦♦♦♦

Chelsea ayaa go’aan ku gaartay inay ka baxdo heshiiskii 40ka milyan ginni ee ay dib ugu soo ceshan laheyd daafaca Bournemouth Nathan Ake sida ay ogaatay Sky Sports.

Chelsea ayaa sidoo kale daawaneysay Callum Wilson oo isna Bournemouth u ciyaara 12kii bilood ee ugu danbeysay, laakiin isna uma dhaqaaqi doonaan madaama uusan gool ka dhalinin horyaalka tan iyo 28kii September.

♦♦♦♦♦♦♦

Wakiilka da’ yarka kooxda Manchester United Tahith Chong ayaa sawir looga qaaday xarunta xerada tababarka Inter Milan iyadoo la filayo inuu da’ yarkaan si xor ah ugu biiro kooxda Talyaaniga.

♦♦♦♦♦♦♦

Sky Sports News ayaa ogaatay in madaxa Atletico Madrid Miguel Angel Gil Marin uu ku sugan yahay Paris maanta si uu u la kulmo madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi iyagoo wada hadlaya saxiixa weeraryahan Edison cavani.

Atletico ayaa haddii ay ku guuldareysato saxiixa Cavani waxa ay u dhaqaaqi doontaa Alexandre Lacazette.

♦♦♦♦♦♦♦

Sida ay sheegeyso jariirada reer Portugal ee O Jogo, Benfica ayaa xiriir la sameysay kooxda Real Madrid iyagoo doonaya weeraryahan Mariano. Wuxuu ku bixi karaa heshiis amaah ah oo ay hadhow gadaal si joogta ah kula wareegi karto.

♦♦♦♦♦♦♦

Kooxaha Inter Milan iyo AS Roma ayaa ka heshiiyay inay isdhaafsadaan xiddigaha kala ah Matteo Politano iyo Leanardo Spinazzola, waxayna labada xiddig tijaabada caafimaadka u mari doonaan kooxahooda cusub berri sida ay sheegtay Sky Sports Italia.

Iter Mila ayaa heshiis shaqsi ah la gaartay Spinazzola halka Roma ay weli wadahadal kula jirto Politano.

Heshiiskaan waxa uu meesha ka saarayaa heshiiskii uu Ashley Young uga tagi lahaa Man United uguna wareegi lahaa San Siro, sida ay sheegtay Sky Sports Italia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here