Hay’ada inta ugu badan samaysa xogaha kala duwan ee kubadda cagta ee Deloitte ayaa shaaca ka qaaday markan xogtii ugu dambaysay ee qaabka ay kooxaha kubadda cagtu u kala lacag badan yihiin iyo waliba kooxda ugu sarreysa.

Marka loo eego xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay ee 2018-19, Barcelona ayaa noqotay kooxda haatan ugu hantida badan kubadda cagta caalamka waxaana ay booskaas kala wareegtay Real Madrid oo hore u haysatay.

Blaugrana ayaa sanadkan kooxda ugu lacagta badan dunida ku noqotay rekoodh dhan 840.8 Milyan oo ah lacagtii usoo xarootay sanadkii tagay halka ay Real Madrid oo booska labaad ku jirta usoo xarootay lacag dhan 757.3 Milyan.

Manchester United ayaa wali ah kooxda ugu hantida badan kooxaha England sidoo kalena dunida booska saddexaad kaga jirta waxaana sanadkii tagay usoo galay 711.5 Milyan, Bayern Munich oo booska afraad soo gashay ayaa heshay 660.1 Milyan.

Paris Saint-Germain ayaa noqotay kooxda shanta sarre soo dhammaystirtay waxaana sanadkii tagay ay heshay 635.9 Milyan Manchester City oo booska lixaad soo gashay ahna kooxda labaad ee ay lacagta ugu badani usoo xarootay ee England ayaa haysata 610.6 Milyan.

Halkan Hoose Kaga Boggo Kala Sarreynta 20-ka Kooxood Ee Ugu Qanisan Kubadda Cagta Haatan.

Image

Image

Position Team
Source: Deloitte Football Money League
1 Barcelona
2 Real Madrid
3 Manchester United
4 Bayern Munich
5 Paris St-Germain
6 Manchester City
7 Liverpool
8 Tottenham
9 Chelsea
10 Juventus
11 Arsenal
12 Borussia Dortmund
11 Atletico Madrid
14 Inter Milan
15 Schalke
16 Roma
17 Lyon
18 West Ham
19 Everton
20 Napoli

Sida lagu sheegay Deloitte, Man United oo dhawaan ahayd kooxda guud ahaan dunida ugu qanisan ayaa ku jirta xaalad hoos u dhac ah iyagoo booskooda kooxda ugu hantida badan England dhawaan u waayi kara Man City iyo Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here