Chelsea ayaa garoonkeeda ku qaabilaysa kooxda heerka labaad ka dheesha ee Nottingham Forest oo ay isku haleelayaan tartanka FA Cup oo maraya wareeggii 3aad.

Chelsea waxay u baahan thay inay guul ka gaadho ciyaartan si ay iskaga xaadiriso wareegga xiga, isla markaana ay uga badbaado in ay kulan labaad oo ku celis ah gasho haddii ay barbar-dhac ku dhamaystaan.

Frank Lampard ayaa kulankan usoo xushay laacibiin waayo arag iyo da’yar iskugu jirta, iyadoo ay dhaawacyo ku maqan yihiin Marcos Alonso, Ruben Loftus-Cheek, Olivier Giroud, Marco van Ginkel iyo Fikayo Tomori oo aan fursad u helaynin ciyaartan.

Tababare Lampard ayaa goolkhaye Caballero kusoo bilaabay, daafacana waxa uu wada dhigay James, Tomori, Christensen iyo Emerson, halka khadka dhexena uu wada keenay Kovacic, Jorginho iyo Berkaly, iyadoo weerarkana uu markii ugu horreysay xili ciyaareedkan kasoo wada muuqdaan Pedro, Batshuayi, Hudson-Odoi.

Shaxda rasmiga ah ee Chelsea vs Nottingham Forest:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here