Kooxaha ree England ee kala ah Liverpool, Manchester United iyo Chelsea ayuu dhammaantood heegan galiyay warka sheegaya in kooxda Barcelona ay iibinayso xiddigeeda Ousmane Dembele suuqa xagaaga soo socda.

Sida lagu sheegay wargeyska Spain fadhigiisu yahay ee El Desmarque, Barcelona ayuu ka dhammaaday samirkii ay u haysay Dembele oo ku fashilmay inuu nooleeyo hammigii laga qabay.

Barcelona

Barcelona

Ousmane ayaa dhif iyo naadif ku ciyaaray xilli ciyaareedkan kulamada kooxdiisa isagoo inta ugu badan qabay dhaawac muruqa ah sidoo kalena qaatay kaadh casaan ah oo uu saddex kulan ku seegay ciyaartii ay Sevilla la ciyaareen.

Dembele ayaa xagaagii dhawaa ku dhawaaday inuu iskaga baxo Barcelona xilli ay kooxdiisu doonaysay inay ku daro heshiiskii Neymar balse isaga ayaa si cad iskaga diiday qorshahaas.

Tan iyo markii uu diiday inuu u wareego Paris, Dembele ayaa galay xaalad adag waxaana si cad looga sheegay inaan intaas wax ka badan looga baahnayn Barcelona.

Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in Barcelona ay doonayso inay iska iibiso Ousmane si ay uga samayso lacag oo ay markale dib ugu laabato doonista Neymar.

Dembele ayaa haatan lagu qiimeeyaa lacag dhan £85 Milyan waxaana ay Blaugrana diyaar u tahay inay gasho khasaare sababtoo ah inay £120 Milyan kula soo saxeexdeen suuqii 2017.

Qiimahaas ayaa dabcan mid weyn ku noqonaya saddexleyda kooxaha Premier League ee Man United, Liverpool iyo Chelsea oo saxeexiisa isha la raacaya laakiin waxa la aaminsan yahay in dhammaantood ay doonayaan inay heshiiskiisa u dhaqaaqaan.

Saddexdaas kooxood ayaan kali ku ahayn tartanka Ousmane waxaana sidoo kale dhinacooda ka doonaya kooxaha kala ah Atletico Madrid, Bayern Munich iyo Juventus  taas oo loolanka ka dhigaysa mid shan geesood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here