Weeraryahanka kooxda heerka afaraad ee Port Vale 34 sanno jirka Tom Pope ayaa u sheegay taageerayaashiisa Twitter inuu wacdarro ku dhigi doono John Stones wuuna ka dhabeeyay inkastoo kooxdiisa ay guuldarro ka soo gaartay kulankii FA Cup hadana balantii uu qaaday wuu ka soo baxay.

34 jirkaan ayaa xagaagii la soo dhaafay waxa uu sheegay inuu 40 gool xilli ciyaareedkii ka dhalin lahaa Stones, laakiin ma uusan ogeyn in lix bilood ka dib ay isku arkayaan FA Cup.

Ka dib markii uu madax ku dhaliyay goolka barbaraha kulankii wareega 3aad ee ay Man City 4-1 ku badisay, Pope ayaa sheegay inuu ka careysiiyay saaxiibada Stones madaama ay u diideen inay maaliyad kala bedesho sameeyaan.

“Waxaan ku guuleystay inaan helo maaliyada Zinchenko inta kale waa ay ii diideen” ayuu Pope u sheegay BBC Sport.

“Waligeey kuma riyoonin inaan gool ka dhalin doono, waxaan ku faraxsanaan lahaa haddii aan dhowr jeer kubada taaban lahaa.”

Bishii Juun ee sannadkii hore markii uu daawaday England oo guuldarro ay ka soo gaareyso Netherlands, Tom Pope ayaa soo qoray:

“Waan ogahay inaan ahay ciyaaryahan heerka afaraad ah, waan ogahay inuu Stones u dheelo England, waan ogahay inuu isbuucii qaato 150 kun ginni, waan ogahay inuu milyan jeer aniga iga fiican yahay laakiin waan jeclaan lahaa inaan Stones ka horimaado isbuuc walba. Waxaan ka dhalin lahaa 40 gool xilli ciyaareedkii.”

Ka dib markii ay xalay soo dhamaatay kulankii Etihad Stadium, Pope ayaa Twitter ku soo qoray: “Waxaan jeclaan lahaa inaan sheego inaan gabi ahaanba ku qaldanaa inaan dhaho waxaan ka dhalin lahaa 40 gool xilli ciyaareedkii… tirada waa 50 gool xilli ciyaareedkii.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here