Kooxaha deriska ah ee Liverpool iyo Everton ayaa caawa ku kulmaya garoonka Anfield kulan ka tirsan wareega 3aad ee koobka ugu da’da weyn kubada cagta ee FA Cup.

Jurgen Klopp iyo Carlo Ancelotti ayaa isaga horimaanaya kulanka Merseyside Derby iyagoo u tartamaya kooxdii u soo gudbi laheyd wareega afaraad ee FA Cup.

Everton ayaa sugeysa inay guushii ugu horeysay ku gaarto Anfield tan iyo sannadkii 1999.

Taageerayaasha Liverpool ayaa fursad u heli doona inay caawa arkaan saxiixooda cusub ee bishaan Janaayo Takumi Minamino iyadoo lagu soo bilaabay shaxda kooxda.

Klopp ayaa 10 bedel ku sameeyay shaxdiisa isagoo soo safay xiddigo da’ yar u badan, waxaa ka dhex muuqda kaliya Origi, Lallana, Gomez iyo Milner. Daafaca dhexe Gomez ayaana ceshtay booskiisa xiddigihii saftay kulankii Premier League ee ay ka badiyeen kooxda Sheffield United.

SHAXDA RASMIGA AH:

Liverpool: Adrian, Milner, Gomez, Phillips, Williams, Lallana, Chirivella, Jones, Elliott, Minamino, Origi.

Bedel: Kelleher, Mane, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Brewster, Hoever, Larouci.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here