Taageereyaal cadhaysan ayaa dhulka soo dhigay taallo waddanka Sweden looga sameeyey weeraryahanka dalkaas ee Zlatan Ibrahimovic.

Taalladan oo ku taallay barxadda hore ee garoonka kooxda kubadda cagta Malmo ee waddanka Sweden ayaa gebi ahaanba dhulka la dhigay, iyadoo laga jabiyey labada lugood, isla markaana diirka laga saaray meelaha qaarkood.

Talladan oo hore sanka looga goostay bishii December markii uu Ibrahimovic sheegay inuu saamiyo ka iibsaday koox kale, ayaa waxa dhulka lasoo dhigay xalay saqdii dhexe xilli ay saacaddda dalkaasi maraysay 3.30am, waxaana halkii ay ku taallay lagu ag qoray hadallo hanjabaad iyo goolaaftan ah oo ay ka mid ahaayeen ‘Halanaga hor qaado’.

Ibra oo ay da’diisu tahay 38 jir ayaa xirfaddiisa ciyaarood kasoo baxday kooxda Malmo oo uu kulankiisii ugu horreeyey u saftay 20 sannadood ka hor, waxaana taalladan loogu sameeyey maamuus ay kooxdu u hayso maadaama ay taariikhdiisa ku xusan tahay.

Ku-xigeenka Duqa magaalada Malmo ayaa sheegay in uu fahmi karayo cadhada ay dadka magaaladaasi ka qaadeen hab-dhaqanka Zlatan, laakiin ay ahayd in aan taallada la burburinin.

“Waan fahmi karayaa in dad badan ay ka niyad-jabsan yihiin dhaqanka Zlatan, laakiin weerarka taalladu maaha mid loo baahnaa. Waxa ka fiicnayd in cadhadiina aad usoo bandhigtaan si dimuquraadi ah.” Sidaas ayuu yidhi ku-xigeenka duqa magaalada Malmo.

Taalladan oo la dhisay October 2015 ayuu dhererkeedu ahaa 3.5 mitir, laakiin waxay burburtay markii la shaaciyey in Ibrahimovic uu 25% iibsaday saamiyada kooxda Hammarby.

Hore waxa weerar loogu qaaday guriga uu Ibrahimovic ka deggan yahay magaalada Stockholm oo albaabkiisa lagu qoray ereyo nacayb iyo cadho ka muuqatay.

Ibrahimovic ayaa markii uu kooxda Malmo ka tegay, waxa uu uga sii gudbay Ajax, Juventus, Barcelona, Paris St-Germain, Manchester United, LA Galaxy iyo AC Milan oo uu markiisii labaad hadda ku laabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here