Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa haatan furan iyadoo kooxaha ay aad u raadinayaan xiddigo ay ku xoojiyaan kooxdooda qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Inta uu bishaan furan yahay suuqa kala iibsiga waxaan idiin soo gudbin doonaa warbixino dhowr ah maalin walba oo aan idiin kugu soo gudbin doono wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo waxyaabaha ay ka qoreen warbaahinta waa weyn ee kubada cagta.

Arsenal ayaa weli xiiseyneysa daafaca Bayern Munich Jerome Boateng sida ay sheegeyso Sky Sports Germany, waxay wadahadal uga jiraan mushaharka ciyaaryahanka iyo haddii ay muddo gaaban amaah ku qaadan karaan.

Arsenal lama filayo inay lacag badan ku qarashgareyso suuqa kala iibsiga bishaan madaama ay 150 milyan ginni qarashgareeyeen xagaagii, laakiin tababare Mikel Arteta ayaa sheegay in qorshaha kooxda uu isbedeli karo ka dib dhaawacii halista ahaa ee soo gaaray Calum Chambers.

♦♦♦♦♦♦♦

Manchester United ayaa u bandhigi doonta kooxda Leicester City Jesse Lingard iyo lacag kaash ah oo gaareysa 45 milyan ginni si ay ugu soo bedeshaan xiddiga khadka dhexe James Maddison, sida ay qortay Sunday Mirror.

United ayaa lagu waramayaa inay Lingard ku qiimeyneyso 40 milyan ginni, waxayna diyaar u yihiin inay u ogolaadaan inuu 27 jirkaan ka tago Old Trafford iyagoo aaminsan in Maddison uu ka fiican yahay.

♦♦♦♦♦♦♦

Kooxda Talyaaniga ee Inter Milan ayaa dooneysa inay la 20 milyan ginni kula wareegto bishaan xiddiga khadka dhexe Christian Eriksen inkastoo uu xiddiga Tottenham si bilaash ah ku bixi karo xagaaga, sida ay qortay Sun on Sunday.

♦♦♦♦♦♦♦

Tababare Carlo Ancelotti ayaa ku taageeray Everton inay u dhaqaaqdo soo xerogelinta kubadsameeyaha Real Madrid James Rodriguez iyadoo kooxda ay dooneyso inay amaah ku keento Goodison Park xiddiga reer Colombia sida ay daabacday jariirada Sunday Mirror.

♦♦♦♦♦♦♦

Daafaca Manchester United Chris Smalling ayaa go’aan ka gaari doonin mustaqbalkiisa ilaa iyo inta uu ka soo dhamaanayo heshiiska amaahda ah ee uu ku joogo kooxda Talyaaniga ee AS Roma.

Daafaca dhexe ayaa lala xiriirinayay kooxda Arsenal halka Man United ay iyaguna doonayaan inay baaqi ku sii ahaado Old Trafford ka dib markii uu soo dhameysto amaahda uu ku joogo caasimada Talyaaniga.

♦♦♦♦♦♦♦

Kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah inay iska iibiso daafaca bidix Emerson Palmieri ka dib markii Juventus ay soo bandhigtay xiisaha daafaca garabka ka ciyaara, sida ay qortay Calciomercato.

Kooxda heysata horyaalka Serie A  ayaa xiriir la sameysay Chelsea iyagoo doonaya saxiixa Emerson dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin in heshiiska lagu kala baxo bishaan Janaayo ayaa macquul ah.

♦♦♦♦♦♦♦

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in Paul Pogba uusan ka tagi doonin Manchester United bishaan Janaayo.

“Ma arki doontaa isagoo baxaya Janaayo” ayuu yiri Solskjaer. “Mar walba waa sidaan.

“Wararka xanta ee ku saabsan ciyaartoyda imaanaya iyo kuwa baxaya. Waxaan indhaha ku heynaa in Paul uu garoomada noogu soo laabto.”

♦♦♦♦♦♦♦

Manchester United ayaa u sheegtay tababaraha kooxda Inter Milan Antonio Conte inay doonayaan weeraryahanka reer Argentina Lautaro Martinez oo 22 sanno jir ah ka hor inta aysan u ogolaanin xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska Paul Pogba oo 26 sanno jir ah inuu u wareego San Siro, sida ay qortay Sunday Mirror

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here