(Liverpool) 29 Dis 2019. Kooxda Liverpool ayaa qaadanaysa xilli ciyaareed aan la ilaawi karin 2019 ilaa kulanka caawa oo Axad ah ay garoonkooda Anfield ku soo dhaweynayaan Naadiga Wolverhampton Wanderers kulankooda ugu dambeeya ee sanadka.

Kooxda uu hoggaamiyo Tababare Jurgen Klopp ayaa 13 dhibcood oo nadiif ah hoggaanka horyaalka Premier League ku qabatay kaddib markii ay 4-0 ku xasuuqeen Leicester City kulankii ugu horreeyey Boxing Day.

Wolves oo guul ay u qalantay oo soo laabasho ah ka soo qaadatay Kooxda Manchester City ciyaar ku dhammaaday 3-2 ayaa 24-saac kaddib kulankaasna waxa ay caawa booqan doonaan Reds.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Axad, 29 Dis 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 7:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Anthony Taylor (England)

Garoonka: Anfield

Wararka Kooxaha:-

Kabtanka Kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo oo uu shido kulanka ay caawa wajahaan Wolves.

Reds ayaa waxaa dhaawacyo kaga maqnaan doona kulankan Alex Oxlade-Chamberlain, Fabinho, Dejan Lovren, Joel Matip iyo Rhian Brewster.

Tababaraha kooxda Wolves ee Nuno Espirito Santo ayaa la filayaa inuu isbedel ku sameeyo safkii uu guusha soo laabashada ah kaga gaartay Manchester City kulankii dhacay habeenkii ay Sabtidu soo galaysay.

Willy Boly iyo Morgan Gibbs-White ayaa ah xiddigaha waqtiga dheer ka sii maqnaan doona Kooxda Wolves.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Liverpool ayaa kaliya hal jeer guuldarro la kulantay 10-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay wajahday Wolves, waxaana ay ka haysataa 7 Guul iyo 2 Barbaro, iyadoo guuleysatay shantii kulan ee ugu dambeeyey weliba si xiriir ah, waxaana ay cel-celis ahaan kulammadaas dhaliyeen 12-1.

>- Wolves ayaa khasaaro la kulantay 15 ka mid ah 17-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay kulamada sare iyadoo u martisay wajahday Liverpool, waxaana ay guuleysatay labada kale, 1-0 bishii January 1984 iyo December 2010, Wolves ayaana ku guuldarreysatay inay gool dhaliso 10 ka mid ah 14-keedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay kulammada horyaalka booqatay garoonka Anfield.

>- Liverpool ayaa guuleysatay kulankoodii ugu dambeeyey horyaalka mid kasta oo ka mid ah shantii sano ee ugu dambeysay tan iyo guuldarradii 2-1 oo ay kala kulmeen kooxda Chelsea sanadkii 2013-kii.

>- Wolves ayaa guuleysatay kulankeedii ugu dambeeyey horyaalka afar ka mid ah shanteedii sano ee ugu dambeysay, waxaana kulankaas ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Kooxda QPR sanadkii 2016-kii, iyagoo weliba ku ciyaarayey garoonkooda.

>- Kooxda Liverpool ayaa guuldarro la’aan ah 49-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay ku ciyaartay garoonkeeda, 39 kulan waa ay guuleysatay, halka ay barbaro gashay 10 kulan, haddii ay guuldarro ka fogaadaan kulankan waxa ay noqon doontaa markii saddexaad oo ay kooxo guuldarro la’aan ku yihiin garoomadooda 50 kulan ama in ka badan Taariikhda ciyaaraha sare ee horyaalka, labada kalena waa Chelsea oo gurigeeda ku ahayd guuldarro la’aan 86 kulan intii u dhaxaysay 2004-2008 iyo Liverpool qudheeda oo 63 kulan guuldarro la’aan ku ahayd garoonkeeda intii u dhaxaysay 1978-1980.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here