Manchester United ayay guuldarro ceeb ah ka soo gaartay kooxda ugu hooseysa horyaalka Premier League kuwaasoo guul 2-0 ah ku gaaray garoonkooda xilli goolhaye David de Gea uu qalad weyn sameeyay islamarkaan Wan-Bissaka uu rigoore ku keenay kooxdiisa.

Natiijadaan ayaa la micno ah in Manchester United ay u dhacday kaalinta 8aad iyagoo leh 25 dhibcood, waxayna weli afar dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea kuwaasoo caawa la dheelaya Tottenham.

Kooxda martida loo ahaa ee Watford ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dardar leh iyagoo kubad isku dhiibkooda daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta uu ahaa mid waali ah, laakiin Man United ayaa durbadiiba ciyaarta la soo qabsatay.

Qeybtii hore fursado badan la iskama helin, iyadoo fursadii ugu fiicneyd ay timid daqiiqadii 34aad markii Martial uu kubad u dhex bixiyay Jesse Lingard kaasoo goolka u furnaa. Waxaa ku soo baxay goolhaye Ben Foster laakiin kubadii uu ka dulqaaday waxay dusha sarre uga dhacday shabaqa bedelkii ay shabaqa dhexdiisa ku nasan laheyd.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah iyadoo Man United ay qeybtii koowaad ku dhameysatay iyagoo kubada heysta boqolkiiba 59 taasoo aad uga duwaneyd sida ay ku bilowdeen.

Daqiiqadii 50aad ayay kooxda Watford la wareegtay hogaanka ciyaarta ka dib qalad weyn uu sameeyay goolhayaha Manchester United David de Gea.

Kubad uu soo qaaday Will Hughes ayaa waxaa madaxeeyay Doucoure iyadoo Ismaila Sarr uu kubada aan xooganeyn dhulka ku garaacay, waxay kubada ku beegneyd goolhaye De Gea laakiin waa ay ka baxsatay ka hor inta aysan shabaqa gelin. De Gea ayaana la arkayay isagoo durbadiiba ka qoomameynaya qaladkii uu sameeyay.

expanded thumbnail

expanded thumbnail

expanded thumbnail

expanded thumbnail

Labo daqiiqo ka dib goolkaas qarowga ku noqday De Gea, Watford ayaa loo dhigay rigoore markii Aaron Wan-Bissaka uu xerada ganaaxa ku lagday Ismaila Sarr, garsooraha ayaa gool ku laad tilmaamay halka VAR ay xaqiijisay inay rigoore tahay.

Troy Deeney ayaa u soo istaagay oo rigoorada gool u sarifay isagoo bartanka ka dhigay shabaqa. Sagaal bilood ayuu gool la’aan ahaa horyaalka Premier League, wuxuu maanta fursad u helay inuu shabaqa ka soo taabto Man United.

expanded thumbnail

expanded thumbnail

Paul Pogba ayaa bedel ku soo galay ciyaarta daqiiqadii 65aad iyadoo xiddiga Faransiiska uu garoomada ka maqnaa tan iyo dhamaadkii bishii September.

Laakiin soo laabashada Pogba waxba kama aysan bedelin natiijada ciyaarta inkastoo fursad qaali ah uu abuuray daqiiqadii 85aad markii uu kubad dheer u qaaday Mason Greenwood, laakiin da’ yarkaan ayaa kubada doortay inuu ka dulqaado goolhayaha oo ku soo baxay iyadoo kubada ay kor martay goolka.

Daqiiqadii 89aad Martial ayaa kubad u qaaday Rashford kaasoo si fiican ugu dhex koontaroolay xerada ganaaxa ka hor inta uusan darbo xoogan goolka klu tuurin laakiin waxaa si fantastik ah u soo badbaadiyay goolhaye Ben Foster.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay kooxda ugu hooseysa horyaalka Premier League ku garaacday Manchester United. Inkastoo Watford ay guul gaartay hadana weli waxay ku jirtaa kaalinta 20aad iyagoo leh 12 dhibcood ka dib 18 kulan oo ay ciyaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here