Arsenal ayaa guuldarro ceeb ah ay ku soo gaartay garoonkeeda ka dib markii ay 3-0 kaga badisay kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City iyadoo Kevin de Bruyne uu labo gool dhaliyay halka goolka seddexaad uu saxiixay Raheem Sterling balse uu caawiye ka ahaa xiddiga reer Belgium.

Waa kulankii shanaad ee isku xigta ee ay Arsenal guuldarro ka soo gaartay Manchester City horyaalka, waana rikoodhkii ugu xumaa ee ay kala kulanto kooxda Sky Blues.

XIDDIGA GAROONKA:

Kevin de Bruyne: (Manchester City) – Daah ma saarna doodna kama taagna in De Bruyne uu ahaa xiddiga garoonka isagoo kala dhantaalay kooxda Arsenal, waxaana uu lug ku lahaa dhamaan goolashii ay Manchester City ku badisay. Labo ka mid ah isaga ayaa dhaliyay halka uu sidoo kale caawiye ka ahaa goolkii uu dhaliyay Raheem Sterling.

Xiddigaha Fashilmay

Matteo Geundouzi ayaa ka mid ahaa xiddihii ugu liitay garoonka iyadoo ay mudan tahay in la tuso oo loogu celceliyo inuu daawado goolkii labaad ee De Bruyne si uu cashar uga barto qaladkii difaacasho xumadiisa. Waxaa isna aad u liidatay Mesut Ozil oo aan wax saameyn ah ku yeelanin ciyaarta isagoo xitaa ka carooday bedelkii lagu sameeyay.

Xiddigaha kale ee mas’uulka ka ahaa guuldarada Arsenal waxaa ka mid ah afarta daafac danbe ee Maitland-Niles, Sokratis, Chambers iyo Kolasinac si la mid ah burburiyaha khadka dhexe Lucas Torriera.

Qiimeynta Ciyaartoyda

ARSENAL: Leno 7, Maitland-Niles 5, Chambers 5, Sokratis 5, Kolasinac 5, Guendouzi 4, Torreira 5, Pepe 5, Ozil 4, Martinelli 7, Aubameyang 5.

Bedel: Saka 6, Smith-Rowe 6, Willock n/a.

MAN CITY: Ederson 7, Walker 7, Fernandinho 8, Otamendi 7, Mendy 7, Rodri 7, Gundogan 7, Foden 7, Sterling 8, Jesus 7, De Bruyne 9.

Bedel: Bernardo Silva 7, Mahrez 6, Zinchenko n/a.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here