Warbaahinta dowlada Shiinaha ayaan baahin doonin kulanka caawa dhexmaraya kooxaha Arsenal iyo Manchester City ka dib hadalkii uu xiddiga khadka dhexe Mesut Ozil ku difaacay Muslimiinta la xasuuqo ee dalka Shiinaha.

Ozil ayaa qoraal soo dhigay bogagiisa bulshada ee Twitter iyo Instagram isagoo ku dhaleeceeyay dowlada Shiinaha sida ay la dhaqanto Muslimiinta Uighur.

Wargeyska The Global Times ayaa qoray maanta oo Axad ah in ciyaarta Emirates Stadium inaan laga daawan doonin Shiinaha sababtoo ah hadalka Mesut Ozil waxa uu ka careysiiyay taageerayaasha Shiinaha iyo madaxda kubada cagta dalkaas.

Labada kooxood ayaa caawa ku ciyaaraya waqooyiga London taasoo la micno ah in ciyaarta laga baahin lahaa Shiinaha habeen saq dhexe oo Isniin ah.

Kanaalka CCTV 5 oo laga filayay inay baahiyaan ciyaarta ayaa bedelkii kulanka Emirates Stadium waxa ay baahinayaan kulanka Tottenham iyo Wolves oo duuban.

Ozil oo ah ciyaaryahan Muslim ah oo ka soo jeeda Turki ayaa ku tilmaamay Muslimiin Uighurs inay yihiin mujaahidiin iska caabinaya xasuuq, waxaana uu ku dhaleeceeyay Shiinaha sida ay u aamusineyso Muslimiinta.

Waxa uu ku soo qoray bogagiisa bulshada: “Shiinaha waxaa la gubaa Quraanka, Masaajida ayaa la xiraa, iskuulada Islaamiga iyo madarasaha waa la mamnuucay, culimadii waa la dilay weliba mid mid. Inkastoo intaan oo dhan ay jirto hadana Muslimiinta waa ay aamusan yihiin.”

Arsenal ayaa isku dayday inay iska fogeyso hadalka Mesut Ozil maanta. Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa qoraal dhigay bogga arimaha bulshada ee Shiinaha ee la yiraahdo Weibo: “Hadalka uu sheegay Ozil waa mid isaga u gaar ah.

“Ka koox ahaan, waxaan mar walba ku taaganahay inaynan faraha la gelin siyaasada.”

Arsenal ayaa jawaab carro leh kala kulantay Weibo iyadoo taageere uu soo bandhigay isagoo maqas ku jarjaraya maaliyada Ozil halka kuwa kale ay ku baaqeen in xiddiga khadka dhexe laga ceyriyo kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here