Yaa guusha u baadan maanta? Ma jirto koox ka soo kabsatay 14 dhibcood oo ku guuleysatay horyaalka, sidaasi darteed miyay Manchester City durbaba ka baxday tartanka horyaalka? Ka dib guuldaradii soo gaartay Chelsea shalay, miyay Arsenal sii nooleyn kartaa rajadooda kaalinta afaraad?

Arsenal ayaa martigelineysa caawa kooxda Manchester City iyagoo halis ugu jira inay xaqiijiyaan rikoodhkii ugu xumaa ee ay kala kulmaan Manchester City ka dib markii ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Pep Guardiola afartii kulan ee ugu danbeysay.

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Arsenal ayaa isbedelo ku sameeyay shaxdiisa iyadoo daafaca dhexe David Luiz iyo weeraryahan Alexander Lacazette ay kursiga keydka ku laabteen ka dib markii ay ciyaareen kulankii Europa League.

Chambers iyo Sokratis ayaa iska garab ciyaara booska daafaca dhexe, laakiin Hector Bellerin ayaa taam u noqon waayay kulanka caawa iyadoo Maitland-Niles uu booskiisa ku soo bilowday halka Kolasinac uu isna bedelay daafaca bidix ee dhaawacmay Tierney.

Dhanka khadka dhexe Guendouzi ayaa ku soo bilowday oo fursad la siiyay caawa isagoo ka garab ciyaaraya Torreira iyo Mesut Ozil.

Halka Nicolas Pepe uu taam u noqday in lagu soo bilaabo isagoo weerarka ku saacidaya Martinelli iyo Aubameyang.

Dhanka Manchester City Phil Foden ayaa ku soo bilowday shaxda caawa isagoo booska ka galay Bernando Silva iyo Riyad Mahrez oo kursiga keydka fadhiya. Gabriel Jesus ayaa hogaaminaya weerarka Man City halka Aguero uu gabi ahaanba seegay kulanka caawa dhaawac dartii.

SHAXDA RASMIGA AH:

Arsenal: Leno, Maitland-Niles, Chambers, Sokratis, Kolasinac, Guendouzi, Torreira, Pepe, Ozil, Martinelli, Aubameyang.

Keyd: Martinez, Luiz, Saka, Smith-Rowe, Willock, Nelson, Lacazette.

Man City: Ederson, Walker, Fernandinho, Otamendi, Mendy, Rodri, Gundogan, Foden, Sterling, Jesus, De Bruyne.

Keyd: Bravo, Cancelo, Garcia, Zinchenko, Angelino, Bernardo Silva, Mahrez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here