Manchester United ayaa barbaro 1-1 la gashay Everton ka dib labo kulan oo ay ka soo badiyeen kooxaha Tottenham iyo Manchester City. Barbaraha ay gashay Manchester United ayaa la micno ah inay weli baaqi ku yihiin kaalinta lixaad iyago afar dhibcood ka danbeeya kooxda Chelsea oo kaalinta afaraad ku jirta.

United ayaa iska qasaarisay fursad ay ugu dhawaan laheyd Chelsea oo guuldarro ay soo gaartay shalay iyadoo gool uu iska dhaliyay Lindelof uu kansalay da’ yarkooda Mason Greenwood.

Scot McTominay (Everton): Xiddiga khadka dhexe ee reer Scotland ayaa si fiican u koontaroolayay ciyaarta isagoo yareeyay halista Everton halka uu sidoo kale saaciday weerarka. Waxa uu ahaa isku xiraha kooxda isagoo sidoo kale kooxda u soo dhiciyay kubadihii ugu badnaa.

Xiddigaha kale ee wacdaraha u dhigay Manchester United waxaa ka mid ah Daniel James iyo Fred kuwaasoo iyagana qalqal gelinayay Everton.

Goolhaye David de Gea ayaa lagu eedeynayaa inuu sabab u ahaa goolkii uu iska dhaliyay Lindelof madaama uu awoodi waayay kubad koorno oo ku beegan inuu bixiyo. De Gea ayaa helay qiimeynta ugu hooseysa ee xiddigaha Man United isaga iyo Jesse Lingard oo aan wax badan qabanain ka hor inta uusan bedelin Greenwood oo goolka barbaraha dhaliyay.

Manchester United (4-2-3-1): De Gea 5; Wan-Bissaka 6.5, Lindelof 6, Maguire 6, Shaw 6.5; McTominay 8, Fred 7; James 7.5 (Mata 85, 6), Lingard 5 (Greenwood 64), Rashford 6.5; Martial 6

Everton (4-4-2): Pickford 6; Coleman 6.5, Keane 6, Mina 6.5, Digne 6 (Baines 24, 6); Iwobi 6.5, Davies 7, Holgate 7, Bernard 6.5 (Keane 70, 6 (Niasse 88, 6)); Richarlison 5.5, Calvert-Lewin 7

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here