(London) 14 Dis 2019. Kooxda Bournemouth ayaa guul kaga soo heshay dhigeeda Chelsea oo ay ku booqatay garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, ciyaar ka tirsaneyd kulamada 17-aad ee horyaalka Premier League ee dalka England.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbaro 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daiiqadii 84-aad Kooxda Bournemouth ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Dan Gosling, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jefferson Lerma.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 0-1 ah ay ku adkaatay kooxda Bournemouth oo martida ugu aheyd Chelsea garoonka Stamford Bridge.

Dhinaca kale dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii kale ee laga ciyaaray horyaalka Premier League.

Burnley 1 – 0 Newcastle United

Leicester City 1 – 1 Norwich City

Sheffield United 2 – 0 Aston Villa

SAWIRRO:

View image on Twitter

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here