Khabiirka BBC Sport Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca 17aad ee horyaalka Premier League ee la ciyaarayo Sabtida, Axada iyo Isniinta.

Isbuuca soo socda kulanka ugu weyn ee la ciyaarayo waa midka u dhaxeeya kooxaha Arsenal iyo Manchester City ee Axada ka dhacaya garoonka Emirates Stadium.

Mark Lawrenson ayaana saadaaliyay in kooxda difaacaneysa horyaalka ee Manchester City ay ku badin doonto 2-0.

Sabtida kooxda hogaamineysa horyaalka ee Liverpool ay soo dhaweyn doonta kooxda Watford, iyadoo Mark Lawrenson uu kooxdiisa hore ee Reds uu u saadaaliyay inay 3-0 ku badin doonto.

Isla Sabtida waxaa ciyaareysa kooxda kaalinta labaad ee Leicester City kuwaasoo martigelinaya Norwich City, iyadoo Lawrenson uu saadaaliyay in Foxes ay 3-0 ku badin doonaan.

Chelsea ayaa iyadana Stamford Bridge ku martigelineysa kooxda Bournemouth maalinta Sabtida iyadoo Lawro uu saadaaliyay inay Blues 2-0 ku badin doonto.

Axada waxaa jira kulan kale oo weyn oo u dhaxeeya kooxaha Manchester United iyo Everton oo ka dhacaya Old Trafford iyadoo Lawro uu saadaaliyay in Man United ay 2-0 ku badin doonto.

Saadaasha Mark Lawrenson
SABTI
Liverpool v Watford 3-0
Burnley v Newcastle 2-0
Chelsea v Bournemouth 2-0
Leicester v Norwich 3-0
Sheff Utd v Aston Villa 2-1
Southampton v West Ham 2-1
AXAD
Man Utd v Everton 2-0
Wolves v Tottenham 0-2
Arsenal v Man City 0-2
ISNIIN
Crystal Palace v Brighton 2-1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here