Xiddiga diirada u saarnaa Manchester United Erling Haaland ayaa wadahadal la yeeshay Borussia Dortmund isbuucaan sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya Jarmalka.

19 jirkaan ayaa soo jiitay xiisaha kooxaha ugu waa weyn ee Yurub madaama uu xilli ciyaareedkan wacdarro u dhigay kooxda Red Bull Salzburg.

Man United, Juventus, Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa dhamaantood la socday xaalada weeraryahanka, isagoo dhaliyay 28 gool 22 kulan uu u saftay kooxda reer Austria ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Laakiin sida ay sheegtay Ruhr Nachrichten, Dortmund ay haatan ku horeysa tartanka saxiixa Haaland.

Warka ayaa intaas ku daraya in xiddiga reer Norway iyo wakiiladiisa inay u safreen Dortmund Arbacadii si ay wadahadal u la yeeshaan kooxda Jarmalka.

Kooxda Red Bull Salzburg ayaana xaqiijisay in Haaland uu u safray Dortmund islamarkaana uu wadahadal u wareegis ah kula jiro.

Isbuucii la soo dhaafay, wargeyska Jarmalka ee Bild ayaa sheegay in Haaland lagu heli karo 20 milyan euro madaama lacagtaas lagu burburin karo qandaraaskiisa.

United ayaa si dhow u la socotay xaalada Haaland iyagoo rajeynayay inay u dhaqaaqaan saxiixiisa bisha Janaayo, waxayna rag soo daawada u direen kulankii habeenkii Talaadada ee Champions League ee ay ka horyimaadeen kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here