Arsenal ayaa xaqiijisatay inay ku soo baxdo kaalinta 1aad ee Group F ee Europa League inkastoo ay barbaro 2-2 la galeen kooxda reer Belgium ee Standard Liege. Bukayo Saka ayaa guuldarro ka badbaadiyay Arsenal isagoo gool dhaliyay islamarkaana caawiye ka noqday goolka kale.

Kooxda Jarmalka ee Eintracht Frankfurt ayaa iska qasaarisay fursad ay kaalinta koowaad ku geli lahaayeen markii hogaankooda 2-1 loogu bedelay 3-2 kulankii ay la ciyaareen kooxda Vitoria de Guimaraes.

Arsenal ayaa kaalinta 1aad ku xaqiijisatay 11 dhibcood halka Frankfurt ay ku soo baxday 9 dhibcood.

Tababare Ljunberg ayaa sagaal bedel ku sameeyay shaxdii uu kaga badiyay West Ham isbuucaan horyaalka Premier League iyadoo David Luiz uu ku soo laabtay daafaca halka sidoo kale la soo safay markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan Konstantinos Mavropanos.

Bukayo Saka, Matteo Guendouzi iyo Joe Willock ayaa ku soo laabtay khadka dhexe halka Lacazzete uu kubad u ahaa kooxda iyadoo weerarka ay ku wehlinayeen Emile Smith Rowe iyo Reiss Nelson.

Khibrad yarida kooxda Arsenal ayaana soo muuqatay bilowgii qeybta hore iyadoo Bukayo Saka uu labo jeer u dhawaaday inuu shabaqa soo taabto, laakiin Gunners iska caabin xoog leh ayay la kulmeen.

Labo daqiiqo markii ay socotay qeybta labaad kooxda Standard Liege ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta. Bastien ayaa darbo xoogan ka soo tuuray meel 20 mitir u jirta goolka waxa ay ku dhacday gacanta Sokratis ka hor inta aysan dib marin goolhaye Martinez oo dhinac u go’ay.

Kooxda reer Belgium ayaa heshay goolka labaad daqiiqadii 68aad iyadoo Willock uu kubad u dhiibtay Amallah oo xerada ganaaxa Arsenal ku jiray, waxaana uu Amallah kubada ka leexsaday Mavropanos ka hor inta uusan dhinac dhigin goolhaye Martinez.

15kii daqiiqo ee ugu danbeysay ciyaarta ayay Arsenal gadaal ka soo kacday iyadoo uu gool u soo celiyay Alexandre Lacazette daqiiqadii 78aad, isagoo dhaliyay karoos uu soo dhigay Bukayo Saka.

Saka ayaana barbareeyay ciyaarta daqiiqadii 81aad markii ay kubad isku dhiibeen Martinelli ka hor inta uusan dabamarinin goolhaye Bodart.

Waxay ciyaarta ku dhamaatay 2-2 oo ay Arsenal ku xaqiijisatay inay ku soo baxday kaalinta 1aad ee Group F ee Europa League iyagoo u soo gudbay wareega 32da ee Europa League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here