11kii xiddig ee ugu fiicnaa wareega group-yada Champions League ayaa la shaaciyay, iyadoo horyaalka Premier League ay kaliya hal ciyaaryahan ku yeelatay.

Inkastoo xiddigaha sida Sadio Mane iyo Mohamed Salah ay Liverpool ku hogaamiyeen kaalinta koowaad ee group-kooda hadana ma jiro ciyaaryahan Reds ah oo soo galay shaxda kooxda wareega group-yada.

Cristiano Ronaldo ayaa isna ka mid ah xiddigaha waa weyn ee seegay shaxdaan.

Iyadoo isku aadka wareega 16ka uu soo dhow yahay, waxaan eegi doonaa xiddigaha ku soo baxay shaxda kooxda wareega group-yada iyo qiimeynta ay ku sameysay WhoScored.

GOOLHAYE

 Keylor Navas has been named the CL group stage best goalkeeper Keylor Navas has been named the CL group stage best goalkeeper

Keylor Navas

Paris Saint-Germain ayaa kaalinta koowaad uga soo baxday Group A iyagoo badiyay shan kulan islamarkaana barbaro galay hal kulan lixdii kulan ee ay ciyaareen.

Goolhaye Navas ayaana door weyn ka qaatay isagoo laga dhaliyay kaliya labo gool mudadaas.

DAAFACYADA

 Kalidou Koulibaly makes the back four in the best XI Kalidou Koulibaly makes the back four in the best XI

Juan Cuadrado, Kalidou Koulibaly, Jose Luis Palomino, Alphonso Davies

Xiddigii hore ee garab weerarka ah ee isku bedelay daafac garab Cuadrado ayaa wacdarro u dhigay Juventus iyadoo kooxda Talyaaniga kaliya afar gool laga dhaliyay iyadoo ku jirta group xoogan.

Labo xiddig kale oo Serie A ka ciyaarta Koulibaly iyo Palomino ayaa qaatay boosaska daafaca dhexe.

Xiddiga reer Canada ee Bayern Munich Davies ayaa isna qaatay booska daafaca bidix.

KHADADKA DHEXE

Toni Kroos, Thiago

Madaama shaxda ay weeraryahano u badan yihiin kaliya labo xiddig oo khadka dhexe ayaa soo galay oo kala ah Kroos iyo Thiago.

Xiddiga Jarmalka ayaa wacdarro u dhigay Real Madrid wareegii group-yada iyadoo kooxdiisa ay kaalinta labaad ee Group A ku dhameysatay.

Xiddiga Bayern Munich Thiago ayaa isna qiimeyn weyn helay iyadoo kooxda Jarmalka ay kaalinta koowaad ee Group B ay ka gashay Tottenham.

 Toni Kroos is part of a midfield duo alongside Thiago Toni Kroos is part of a midfield duo alongside Thiago

WEERARYAHANO

Lionel Messi, Harry Kane, Robert Lewandowski, Kylian Mbappe

Weerarka waxaa isagu yimid qaar badan oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican dunida.

Messi ayaa qiimeyn sarre helay iyadoo Barcelona ay kaalinta koowaad uga soo baxday group-kooda.

Laakiin xiddiga ugu qiimeynta sareeyay wareega group-yada waa weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski kaasoo 10 gool dhaliyay.

Harry Kane ayaa ah xiddiga kaliya ee matalaya horyaalka Premier League ka dib lixdii gool ee uu dhaliyay.

Kylian Mbappe oo dhaliyay goolashiisii 100aad ee kooxood xalay ayaa dhameystiraya shaxda isagoo shan gool ka dhaliyay wareega group-yada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here