(Madrid) 12 Dis 2019. Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa qorsheynaysa inay iska iibiso Thomas Lemar, iyadoo ay xaaladda kor kala socdaan kooxihii doonayey saxiixiisa ee Arsenal iyo Liverpool.

Jariiradda The Mirror ayaa warinaysa in kooxda Atletico Madrid ay qarka u saaran tahay inay iska iibiso xiddiga garabka uga ciyaara ee Thomas Lemar.

24-sano jirkaan ayaa la soo sheegayaa inay wada doonayeen kooxaha reer England ee Arsenal iyo Liverpool ka hor inta uusan kaga soo biirin kooxda reer Spain naadiga Monaco xagaagii la soo dhaafay.

Laakiin kaddib xilli ciyaareed xun oo uu ku qaatay kooxda ka dhisan caasimadda Spain xiddiga xulka qaranka Faransiiska ayaa u muuqda inuu markale dhaqaaqi doono, iyadoo ay dhegaha u taagan yihiin kooxihii uu bartilmaameedka u ahaa ee Gunners iyo Reds.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here