Chelsea ayaa iska xaadirisay wareega 16ka ee Champions League ka dib markii ay 2-1 ku xaaqeen kooxda Lille kulankii ugu danbeeyay ee Group H ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa ku soo baxday kaalinta labaad ee Group H inkastoo ay ku dhibco ahaayeen kooxda kaalinta koowaad ku soo baxday ee Valencia kuwaasoo guul ka gaaray Ajax oo ka hartay tartanka una dhacday koobka Europa League.

Blues ayaa u baahneyd guul si ay u xaqiijistaan u soo biixtaankooda wareega xiga, waxayna riyadooda rumowday daqiiqadii 19aad markii kubad ay si fiican u soo dhiseen uu Christian Pulisc garabka midig ee goolka ugu dhigay Willian kaasoo isna u soo celiyay weeraryahanka Ingariiska Tammy Abraham oo si fudud ugu taabtay shabaqa.

Chelsea ayaa heshay goolkii labaad ee natiijada u sii xaqiijiyay daqiiqadii 35aad markii uu kabtan Cesar Azpilicueta madax ku dhaliyay kubad koorno aheyd uu soo qaaday daafaca bidix Emerson.

Natiijadaas ayaa lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Qeybtii labaad kooxda Lille waxaa gool u soo celiyay daqiqiadii 78aad xiddigii hore ee Chelsea Loic Remy kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-1 oo ay ku dhamaatay.

Natiijadaan ayaa la micno aheyd inay Chelsea 11 dhibcood ku soo gudubtay waxayna wareega 16ka kula biirtay Valencia oo kaalinta koowaad ee group-ka ku soo baxday ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Ajax oo marti loo ahaa.

Ajax ayaa gool looga naxsaday daqiiqadii 24aad iyadoo kubad loo dhex bixiyay Rodrygo uu shabaqa meel kore ka geliyay isagoo saxiixay goolka qura ee ay Valencia ku badisay.

Valencia waxaa casaan toos ah dhamaadkii ciyaarta ka qaatay Gabriel Paulista.

Ajax oo ku bilaabatay hogaanka Group-ka ka hor kulamadii caawa ayaa ka dhacday kaalinta seddexaad madaama ay guuldarro lama filaan ah soo gaartay, waxayna ka sii ciyaari doonaan Europa League xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here