Barcelona ay caawisay Borussia Dortmund ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen kooxda Inter Milan oo marti loo ahaa taasoo keentay in kooxda Jarmalka ee Dortmund inay u soo gudubto wareega 16ka halka Inter Milan ay hartay iyagoo xilli ciyaareedkan ka dheeli doona Europa League.

Barcelona oo goor hore sii xaqiijisatay inay kaalinta koowaad uga soo baxeen Group F ayaa u hiilisay Borussia Dortmund kuwaasoo 2-1 kaga soo badiyay kooxda Slavia Prague.

Barcelona ayaa 14 dhibcood ku soo baxday halka Dortmund ay ku soo baxday 10 dhibcood iyadoo Inter Milan ay ku hartay 7 dhibcood.

Inter Milan ayaa si caaboon ku bilaabatay ciyaarta iyagoo fursado dhowr ah ka helay qeybtii hore kooxda martida u aheyd ee Barcelona, waxaana cadaadis weyn uu saarnaa daafaca Blaugrana oo uga imaanayay weerarka uu hogaamiyo Romelu Lukaku.

Laakiin si ka duwan sidii ay ciyaarta u socotay Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 23aad iyadoo uu shabaqa u soo taabtay Carles Perez kaasoo ku soo bilowday kulankiisii ugu horeysay ee Champions League.

Ka hor inta aan la aadin waqtigii nasashada kooxda Inter Milan ayaa daqiiqadii 44aad heshay gool barbaro ah oo ay u qalantay iyadoo darbo taraarax ah uu u dhaliyay Romelu Lukaku kaasoo hanjabaad joogta ah ku ahaa daafacyada Barcelona, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Inter Milan ayaa fursado kale heshay qeybtii labaad iyagoo xitaa shabaqa soo taabtay daqiiqadii 73aad markii uu Lauturo Martinez uu dhaliyay kubad uu xabadka ku koontaroolay laakiin goolka waa la diiday madaama uu offside ahaa.

Lix daqiiqo ka dib mar kale Lauturo Martinez ayaa gool kale offside looga diiday taasoo wadar ahaan ka dhigeysa in seddex jeer ay Inter shabaqa soo taabatay balse seddexduba ay offside ahaayeen.

Ansu Fati oo bedel ku soo galay dhamaadkii ciyaarta ayaa aamusiyay taageerayaasha Sansiro markii uu goolka guusha u saxiixay kooxda Barcelona isagoo dhaliyay goolkiisii seddexaad ee xilli ciyaareedkan.

Natiijadaana ayaa la micno noqotay in Dortmund ay Barcelona kula biirto wareega 16ka iyadoo kooxda Jarmalka ay 2-1 ku soo qaarjisay kooxd Slavia Prague oo marti ku aheyd Signal Iduna Park.

Borussia Dortmund waxaa daqiiqadii 10aad hogaanka u dhiibay xiddiga Ingariiska Jadon Sancho laakiin kooxda ay martigeliyeen Slavia Prague ayaa heshay goolka barbaraha daqiiqadii 43aad markaasoo uu u saxiixay Tomas Soucek.

Daqiiqadii 63aad ee qeybtii labaad waxaa Dortmund ka fujiyay Julian Brandt kaasoo mar kale hogaanka ku soo celiyay islamarkaana u saxiixay goolkoodii labaad ee ay ku xaqiijisteen soo bixitaankooda.

10 daqiiqo gudaheed waxaa labo jaale ka qaatay Dortmund Julian Weig kaasoo casaan ku baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here