(Yurub) 10 Dis 2019. Waxaa caawa la ciyaaray kulamda lixaad ee heerka group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League, iyadoo kooxihii caawa ciyaaray ay ugu muhiimsanaayeen, Barcelona, Inter Milan, Chelsea, Napoli iyo Liverpool.

Kooxda reer London ee Chelsea ayaa caawa guul mihiim ah ka gaartay dhigeeda Lille, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, waxayna goolasha kaga mahadcelineysaa xiddigaheeda kala ah, Tammy Abraham iyo Cesar Azpilicueta.

Dhinaca kale kooxda reer Talyaani ee Napoli ayaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Genk, waxayna kaga adkaatay 4-0, waxaana goolasha u kala dhaliyay xiddigaheeda Arkadiusz Milik oo saddex gool dhaliyay iyo Dries Mertens.

Kooxda Barcelona ayaa dhankeeda guul kaga soo gaartay naadiga Inter oo ay ku booqatay garoonka Giuseppe Meazza, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, waxaana goolasha u kala dhaliyay Carles Perez iyo Ansu Fati, Nerazzurri ayaana sidaas ku macsalaameysay tartanka Champions League.

Haddaba dhanka hoose kaga boggo natiijooyinka kulamadii lixaad ee caawa laga ciyaaray heerka Group-yada tartanka xiisaha badan ee Champions League:

GROUP E

Napoli 4 – 0 Genk

Salzburg 0 – 2 Liverpool

GROUP F

Borussia Dortmund 2 – 1 Slavia Prague

Inter 1 – 2 Barcelona

GROUP G

Benfica 3 – 0 Zenit St. Petersburg

Lyon 2 – 2 RasenBallsport Leipzig

GROUP H

Ajax 0 – 1 Valencia

Chelsea 2 – 1 Lille

SAWIRRO:

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here