Mid ka mid ah kulamada ugu waa weyn kubada cagta caalamka ayaa halis ugu jira in markii labaad la baajiyo iyadoo kulanka Barcelona iyo Real Madrid oo ku jadwaleysan 18ka bishaan December la filayo in mar kale dib loo dhigo.

El Clasico waa mid ka mid ah kulamada loogu daawasho badan yahay isboortiga dunida sannad walba, iyadoo ay ku dagaalamaan labada kooxood ee ugu waa weyn Spain.

Si kastaba, kulankaan ayaa markii hore ku jadwaleysnaa 26ka October laakiin waa la ciyaari waayay madaama ay banaanbaxyo ka socdeen Barcelona ka dib markii xabsi loo taxaabay sagaal ka mid ah siyaasiyiinta hogaamisa Catalonia.

Inkastoo xiisada ka taagneyd magaalada Barcelona ay hoos u dhacday tan iyo markaas hadana kooxda isku magacowday Tsunami Democratic ayaa qorsheynaya inay banaanbax kale ka dhigayaa Camp Nou  kaliya afar saacadood ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta El Clasico ee 18ka December ku balansan, taasoo la micno ah in madaxda amaanka aysan heysan doorasho kale oo aan ka ehyn inay mar kale baajiyaan kulanka.

Tsunami Democratic waa urur Catalan ah oo u ololeeya madax banaaniada Catalunya, waxayna qorsheynayaan inay banaanbaxyo waa weyn oo afar dhinac ah ku qabtaan agagaarka Camp Nou saacado ka hor kulanka El Clasico.

In ka badan 18 kun ruux ayaa isku diiwaangeliyay inay ka qeybgalayaan banaanbaxa, waxayna taasi keeni kartaa in mar kale la ciyaari waayo kulanka.

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa ilaa iyo haatan ku adkeysanaya in ciyaarta ay u dhici doonto sidii loo qorsheeyay laakiin qorshahayaasha cusub ee banaanbaxyada ayaa ku qasbi kara inay ka laabtaan go’aankooda.

Barcelona iyo Real Madrid ayaa haatan isla haya hogaanka horyaalka La Liga iyadoo labada kooxood ay 34 dhibcood ka heleen 15 kulan oo la ciyaaray laakiin Barcelona ayaa kaalinta koowaad ugu jirta farqiga goolasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here