Liverpool ayaa kaalinta kowaad kaga soo baxday Group E waxayna iska xaadirisay wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League kadib markii ay guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Salzburg.

Naby Keita iyo Mohamed Salah ayaa Liverpool u dhaliyay goolasha ay guusha kaga soo gaadhay Salzburg ee kooxda Jurgen Klopp ka caawiyay in ay kaalinta kowaad kaga soo baxday Group E.

Inkasta oo ay Napoli xasuuq 4-0 ah u gaysatay kooxda Genk isla markaana ay qaybtii hore ku jirtay kaalinta kowaad ee Group E, ayay haddana Liverpool qaybtii labaad ee ciyaartii Salzburg awooday in ay wax walba laba daqiiqo ku badashay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

LIVERPOOL  XI (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Dejan Lovren, Virgil van Dijk, Andy Robertson; Georginio Wijnaldum, Jordan Henderson, Naby Keita; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: Xherdan Shaqiri, Joe Gomez, Divock Origi, James Milner, Adrian, Curtis Jones, Alex Oxlade-Chamberlain.

SALZBURG XI (4-3-1-2): Cican Stankovic; Rasmus Kristensen, Jerome Onguene, Maximilian Wober, Andreas Ulmer; Dominik Szoboszlai, Zlatko Junuzovic, Enock Mwepu; Takumi Minamino; Hwang Hee-Chan, Erling Haaland.

Kaydka: Masaya Okugawa, Patson Daka, Majeed Ashimeru, Smail Prevlijak, Carlos, Albert Vallci, Andre Ramalho.

Liverpool ayaa kulankan iskeentay iyada oo ku qasbanayd in ay guul ka gaadho Salzburg ama ay ugu yaraan barbaro la gasho si ay u xaqiijisato booskeeda wareega 16ka kooxood ee Champions League halka kooxda martida loo ahaa ee Salsburg ay kulankan timid iyada oo u baahnayd in ay 1-0 ku garaacdo Liverpool ay si taariikh u samayso.

Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahayd mid cajiib ahayd oo ay labada kooxood awood ciyaareed ku soo bandhigeen balse fursado lagu dhalin kari lahaa ilaa 9 gool ayaan qaybtii hore wax goolal ah lagu helin.

Salzburg ayaa ahayd kooxdii bilawgii ciyaartaba neefta dib ugu celisay Liverpool isla markaana heshay fursado xidhiidh ah laakiin goolhaye Alisson iyo difaaca Liverpool ayaa joojiyay fursado goolal loo fishay.

Laakiin jamaahiirta Liverpool ayaa qaybtii hore ee ciyaarta u arkayay in Mohamed Salah uu ahaa danbiilaha kooxdooda ka diiday in ay ugu yaraan goolal dhaliyaan qaybtii hore.

Mohamed Salah ayaa daqiiqadihii 5 aad iyo 29 aad lumiyay fursado goolka hortiisa ah isaga oo fursada hore goolhayaha Salzburg ka sameeyay badbaadin cajiib ah halka marka kale uu goolka oo uu horjoogo garab mariyay.

Sadio Mane, Naby Keita iyo Arnold ayaa dhamaantood helay fursado ay goolal ku dhalin kareen laakiin goolhayaha Salzburg ayaa dhiniciisa u jawaabay Alisson.

Waxay qaybtii hore ee ciyaartu ahayd mid aan daawashadeeda laga jeedsan karin maadaama oo ayna kubbadu helin fursad ay garoonka ku dhex joogto waxayna ka dhexaysay labada cidhif ee weerarka.

Marka ay noqoto bartilmaameedka ugu badan waxaa qaybtii hore heshay kooxda Salzburg laakiin waxay ahayd Liverpool kooxda fursadaha ugu halista badan abuurtay iyada oo Salah, Mane iyo Keita ay lumiyeen fursada ay jamaahiirta Liverpool u sii sare kaceen.

Qaybtii hore waxay Liverpool ogayd natiijada kulanka kale ee isla waqtigan socday oo ay Napoli awooday in ay 3-0 kaalinta kowaad ku sii gashay oo ay kooxda Genk xaalad xun ku abuurtay.

Waxaana qaybtii labaad layskugu soo laabtay iyada oo Liverpool iyo Salzburg ay ogaayeen in 45 daqiiqo ay u jiraan u soo bixitaanka wareega 16ka kooxood ee Champions League taas oo xamaasada ciyaarta ka dhigtay mid aan la qiyaasi karin.

Ciyaarta ayaa qaybtii labaad ku bilaabtay xamaasadii ay qaybtii hore lahayd laakiin daqiiqadii 53 aad Jurgen Klopp ayaa lagu qasbay in uu shaxdiisa isbadal daruuri ah ku sameeyo kadib markii uu dhaawac soo gaadhay Dejan Lovern waxaana ciyaarta soo galay Joe Gomez.

Daqiiqadii 57 aad Liverpool ayaa ugu danbayn jabisay iska caabintii cajiibka ahayd ee Salzburg kadib markii uu Naby Keita ugaadhsaday kooxdiisii hore ee RB Salsburg  laakiin Sadio Mane ayaa ahaa xidiga nolasha ku sii hayay kubbada uu goolhayuhu badbaadin lahaa.

Naby Keita ayaa kulankiisii labaad oo xidhiidh ah ee uu shaxda Klopp ku soo bilawday waxa uu dhaliyay goolkiisii labaad isaga oo murugo ku abuuray jamaahiirtiisii hore ee Salsburg waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Reds hogaanka kula wareegtay.

Daqiiqadii 58 aad Alla Maxay Waali Ahayd! Mohamed Salah ayaa aduunka kaga yaabsaday goolka labaad ee uu Liverpool ugu dhaliyay qaab aan la rumaysan karin kadib markii uu muujiyay in fursadihii sahlanaa ee uu sida xun u khasaariyay uu ku saxay kubbad uu ka dhaliyay xagal lama filaan ah oo qof kastaba layaab ku riday.

Sadio Mane ayaa Mohamed Salah u bixiyay kubbad dilaa ah laakiin waxaa loo qaatay in laga joojiyay balse Salah ayaa goolhayaha Salsburg oo soo baxay kubbada dhaafsaday wuxuuna xagal adag oo cidhiidhi ah oo waliba uu goolka ka fogaa waxa uu ku dhaliyay goolka Salsburg murugada ku laba jibaaray.

laba daqiiqo gudahood waxay Liverpool ku heshay laba gool iyada oo 2-0 si kalsooni leh hogaanka ugu qabtay waxayna ka baxday walwalkii xumaa ee ka haystay in Salzburg xaalada ku sii adkayso.

Daqiiqadii 75 aad Jurgen Klopp ayaa badalkiisa labaad ka dhigtay James Milner si uu khadka dhexe u sii xoojiyo wuxuuna saaray Roberto Firmino waxayna Salzburg wali waday dagaalka ay shabaqa Liverpool ku doonaysay.

Daqiiqadii 76 aad waxaa ciyaarta laga saaray da’yarka ay kooxaha Yurub sida khaaska ah u daawanayeen ee Erling Haaland kaas oo kulankan awoodi waayay in uu difaaca Liverpool dhaafo iyada oo booskiisa lagu buuxiyay Okugawa.

Daqiiqadii 76 aad Mohamed Salah ayaa markale helay fursad kubbad laga soo daba tuuray wuxuuna dhinaca iskaga dhigay difaacii baacsanayay laakiin darbada uu goolka saddexaad ku dhalin lahaa ayuu goolhayaha Salzburg iska joojiyay!.

Liverpool ayaa kubbada ka xarimtay Salzburg waxaana kooxda martida loo ahaa ku soo baxday daalka tamartii badnayd ee qaybtii hore lumiyeen.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Liverpool ku garaacday kooxda Salzburg oo ay qaybtii hore iska caabin layaableh kala kulantay waxayna Reds kaalinta kowaad kaga soo baxday Group E iyada oo iska xaadirisay wareega 16ka Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here