Liverpool ayaa u soo gudubtay wareega 16ka ee Champions League ka dib markii ay 2-0 ku qaarjiyeen kooxda RB Salzburg kulankii ugu danbeeyay ee Group E iyagoo ku soo baxay kaalinta koowaad halka Napoli ay kaalinta labaad uga soo baxday group-ka.

Xilli ciyaareedkii seddexaad oo isku xiga ayay Liverpool u soo baxeysaa wareega 16ka kulanka ugu danbeeya ee wareega group-yada iyadoo labadii xilli ciyaareed ee ka horeysay ay gaareen finalka mid laga qaaday mid ay ku guuleysteen.

XIDDIGA GAROONKA

Mohamed Salah (Liverpool): Wuxuu qasaarisay fursado dhowr ah, laakiin Salzburg ayaa awoodi weysay inay hakiso xiddiga reer Masar kaasoo dhaliyay goolkiisii 200aad ee waayihiisa ciyaareed oo dhan, waxaana uu ahaa gool xusuus mudan isagoo xagal aan caadi aheyn shabaqa ka soo toogtay.

Xiddigaha Ugu Liitay

Goolhaye Stankovic ayaa niyadjabiyay kooxdiisa islamarkaana u keenay inay ka ciyaaraan Europa League wixii hadda ka danbeeya isagoo heysta qiimeynta ugu hooseysa ee ciyaartoyda garoonka soo garay.

Xiddigaha kale ee kooxda Salzburg ee kala ah Onguene, Szoboszlai iyo xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Haaland ayaa iyagana si liidata u ciyaaray, waxaa dhanka Liverpool la mid ah Roberto Firmino oo aan saameyn badan yeelanin.

Qiimeynta Ciyaartoyda

Salzburg: Stankovic 3, Kristensen 6, Onguene 5, Wober 6, Ulmer 6, Junuzovic 6, Mwepu 6, Minamino 7, Szoboszlai 5, Hwang 6, Haaland 5.

Bedel: Daka 6, Ashimeru 6, Okugawa 6.

Liverpool: Alisson 6, Alexander-Arnold 6, Lovren 6, Van Dijk 6, Robertson 6, Henderson 6, Wijnaldum 6, Keita 6, Salah 7, Firmino 5, Mane 7.

Bedel: Gomez 6, Milner 6, Origi 6.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here