Taageerayaasha Arsenal ayaa ugu danbeyn helay seddexda afka hore ee ay sida weyn u doonayeen xilli ciyaareedkan iyadoo Pierre-Emerick Aubameyang, Nicolas Pepe iyo Gabriel Martinelli ay dhamaantood shabaqa soo wada taabteen kulankii West Ham.

Kooxda Gunners ayaa seddex gool ku dhalisay sagaal daqiiqo gudaheed qeybtii labaad ee kulankii xalay oo Isniin aheyd ka dhacay garoonka London Stadium iyadoo tababare Freddie Ljunberg uu kooxda la gaaray guushii ugu horeysay.

Waa kulankii ugu horeysay ee ay Arsenal badiso muddo toban kulan ah iyagoo soo galay kaalinta sagaalaad ee kala sareynta horyaalka Premier League islamarkaana todoba dhibcood u jira kaalinta 4aad.

Xiddiga reer Brazil Martinelli oo 18 sanno jir ah ayaa ku soo bilowday kulankiisii ugu horeysay ee Premier League, waxaana uu ku abaalguday inuu dhaliyay goolka barbaraha daqiiqadii 60aad.

Goolka uu dhaliyay ayaa ka dhigay xiddigii ugu da’da yaraa ee Arsenal ee gool dhaliya kulankii ugu horeysya ee uu ku soo bilowdo horyaalka.

Martinelli haatan waxa uu dhaliyay sideed gool kaliya todoba kulan uu ku soo bilowday xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, taageerayaasha Arsenal ayaana dalbanaya inuu boos joogta ah ka helo shaxda kooxda.

Wuxuu xalay ahaa xiddiga orodka ugu badan sameeyay ciyaartoydii garoonka ku jirtay, waxa uu kooxda u soo celiyay kubadii ugu badneyn, waxaana uu sameeyay taakalo iyo kubado uu celiyay.

Inkastoo taageerayaasha Arsenal ay ku faraxsanaayeen da’ yarkooda, hadana xiddig kale oo ay xagaagii la soo wareegeen ayaa soo bandhigay sababta ay Arsenal 72 milyan ginni uga soo bixisay.

Pepe ayaa si cajiib ah hogaanka ugu dhiibay Gunners daqiiqadii 66aad, waana goolkiisii ugu horeysay ee uu ciyaar furan ku dhaliyo isagoo hore rigoore u soo dhaliyay.

Seddex daqiiqo ka dib waxa uu caawiye u noqday Aubameyang kaasoo isna si fiican u dhameystiray goolkii seddexaad.

Iyadoo Arsenal ay wajaheyso daafaca nugul ee Manchester City isbuuca soo socda, Ljunberg ayaa la filayaa inuu mar kale kursiga keydka dhigo Lacazette si uu fursad u siiyo mar kale seddexdiisa weerar ee orodka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here