Jamaahiirta kooxda RB Salzburg ayaa boodh weyn ku soo dhejiyay garoonkooda ka hor kulanka ay caawa martigelinayaan kooxda Liverpool ee muhiimka u ah u soo bixitaanka wareega 16ka ee Champions League.

Liverpool ayaa soo bixi doonta haddii ay barbaro galaan ama haddii Napoli ay guuldarro ka soo gaarto Genk. Halka Salzburg ay soo baxdo haddii ay garaacaan Liverpool islamarkaana Napoli aysan ka badinin Genk.

Taageerayaasha kooxda martida loo yahay ee Salzburg ayaa ka warqaba muhiimada uu kulankaan leeyahay waxayna garoonkooda ku soo dhejiyeen boodh weyn oo ay ku cabsi gelinayaan kooxda martida ah ee Liverpool.

Liverpool oo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay si mucjiso ah ku soo garaacday Barcelona ayay taageerayaasha Salzburg tixraac ka dhigteen.

Waxaa boodhka ku qornaa: ” Ma nihin Barca ama Real, laakiin waxaan diyaar u nahay riyadeena!” iyagoo adeegsaday erey aflagaado ah oo u dhignaa “F*cking”.

Taageerayaasha RB Salzburg ayaa u muuqda kuwa diyaar u ah kulanka caawa ee Liverpool iyagoo ku tashanaya weeraryahankooda da’da yar Halland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here