(Yurub) 10 Dis 2019. Zlatan Ibrahimovic ayaa la soo warinayaa inuu doortay kooxdii uu ku biiri lahaa sida wararku ay sheegayaan.

Joog-dheeraha reer Sweden ayaa doortay inuu ku biiro kooxda AC Milan ee Waddanka Talyaaniga oo uu dib ugu laabto garoonka San Siro.

Warsidaha reer Talyaani ee Gazzetta dello Sport ayaa laga soo xigtay in Zlatan Ibrahimovic uu doortay inuu u saxiixo naadiga AC Milan.

Heshiiskiisa ayaa ku eg dhammaadka sanadkan kaddib markii uu la joogay kooxda LA Galaxy, xiddigan reer Sweden ayaana qarka u saaran haatan in uu dib ugu laabto horyaalka Serie A.

Iyadoo la soo sheegayo inayba jiraan faah-faahinno kooban oo ku saabsan heshiiska uu ugu biirayo kooxda AC Milan oo haatanba qaarkood meel la isla dhigay labada dhinac.

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here