Tababaraha ku-meelgaadhka ah ee Arsenal, Freddie Ljungberg ayaa xalay helay guushiisii ugu horreysay muddadii uu hayey xilka macallinimo, kaddib markii uu 1-3 kusoo jiidhay West Ham oo ay marti u ahaayeen.

Kulanka xalay waxa kursiga kaydka fadhiyey weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette oo ciyaartii hore gool madax ah u dhaliyey, laakiin tababaraha ayaa ka door biday da’yarka reer Brazil ee Martinelli oo goolka koowaad xalay u saxeexay.

Tababarihii hore ee kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Newcastle ee Rafa Benitez oo xalay marti ku ahaa barnaamijka MNF ee telefishanka Sky Sports ayaa waxa uu ka hadlay sababtii uu Lacazette kaydka loo dhigay ciyaartii xalay iyo wararka sheegaya in uu dib ugu soo laabanayo horyaalka Premier League oo dhawr tababare ay kawaanka saaran yihiin.

Kooxaha Arsenal iyo West Ham ayaa la rumaysan yahay inay raadinayaan tababare khibrad iyo tayo leh, iyadoo Gunners uu si ku-meelgaadh ah xilka u sii hayo Ljungberg halka West Ham oo natiijooyin xun ka keenaysay kulamadeedii xili ciyaareedkan ay ka fikirayso inay shaqada ka caydhiso Manuel Pellegrini.

Rafa oo waqtigan tababare u ah kooxda reer China ee Dalian Yifang oo uu la wareegay markii uu xagaagii dhamaystay qandaraaskii uu kula jiray Newcastle, ayaa waxa uu qirtay in albaabadu u furan yihiin dalabyada kooxaha Ingiriiska ah oo uu mustaqbalka kusoo laaban doono Premier League, laakiin waqtigan uu kusii sugnaan doono kooxda reer China.

Benitez oo la weydiiyey sababta suurtogalka ah ee tababaraha ku-meelgaadhka ah ee Arsenal uu u fadhiisiyey Lacazette xili uu u baahan yahay oo sagaalkii ciyaarood ee hore aanay wax guul ah soo helin Gunners, waxa uu ku jawaabay:

“Lacazette waa ciyaartoy fiican, laakiin maaha wax fudud in ciyaaryahannada wanaagsan oo dhan isku waqti garoonka lasoo geliyo. Mararka qaarkood dadku waxay yidhaahdaan ‘Waa in ciyaartoyga fiican oo dhan aad soo geliso, adigoon u eegaynin boosaska ay ka ciyaarayaan’. Taasi suurtogal maaha, sababtoo ah waa inaad kooxda isku dheelitirto, weerar ahaanna aad u fikirto sida u wanaagsan. Balse haddana waa arrin qadhaadh maadaama uu yahay ciyaartoy weyn.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here