Isbedelka ku dhacaya tababarayaasha horyaalka Premier League ayaa ah mid weli socda ka dib markii ay soo baxday warka sheegaya in Everton ay u dhawaatay macalinkii hore ee kooxda Arsenal Unai Emery.

Unai Emery ayaa laga ceyriyay shaqada tababare ee kooxda Arsenal ka dib markii ay Gunners ku bilaabatay xilli ciyaareedka sidii ugu xumeyd muddo ka badan 20 sannadood ah.

Waxaa isna xilli ciyaareed adag wajahay macalinkii hore ee Everton Marco Silva kaasoo la ceyriyay ka dib markii ay kooxdiisa guuldarro 5-2 ka soo gaartay Liverpool.

Haatan, hilinka Sky Sports ayaa sheegaya in Everton ay u dhawaatay Emery iyagoo rajeynaya inuu noqdo tababarahooda cusub oo uu ka saaro qaab ciyaareedka liita ee ay ku jiraan.

Sida ay Sky Sports sheegtay, wadahadal aan rasmi aheyn ayaa durbaba ka dhacay magaalada London iyadoo labada dhinac ay diyaar u yihiin in wadahadalada ay sii socdaan.

Emery ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu doonayo inuu horumariyo luqadiisa Ingariiska taasoo caqabad weyn ku aheyd mudadii uu joogay waqooyiga London.

Dhanka kale taageerayaasha Everton ayaan la dhacsaneyn fekrada ah in kooxdooda ay la soo wareegto Emery.

Inkastoo tababaraha reer Spain uu wacdarro ka soo dhigay mudadii uu joogay kooxda Sevilla hadana waxa uu ku fashilmay Paris Saint-Germain iyo Arsenal.

Waxaase lagu doodi karaa inuu ku haboon yahay koox sida Everton oo kale ah kuwaasoo u dagaalamo kaalimaha lixaad ama shanaad ee horyaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here