Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay liiska 19ka xiddig eeu safraya dalka Belgium ka hor kulanka ugu danbeeya wareega group-yada Champions League ee Group A ee Arbacada.

Tababare Zidane ayaana ka tagay kabtan Sergio Ramos iyo xiddiga khadka dhexe Toni Kroos halka Gareth Bale uu qeyb ka yahay xiddigaha u safraya dalka Belgium.

Tababare Zinedine Zidane ayaa go’aansaday inuu isku shaandheyn ku sameeyo kooxdiisa madaama kooxdiisa ay xaqiijisatay u soo bixitaanka wareega 16ka ka dib barbarihii ugu danbeeyay ee ay la galeen Paris Saint-Germain.

Daafaca reer Spain iyo xiddiga Jarmalka ayaana nasasiino helaya ka dib markii ay ciyaareen 1680 iyo 1433 daqiiqadood sida ay isagu xigaan xilli ciyaareedkan.

Ka dib kulanka ay Club Brugge la ciyaarayaan Arbacada waxaa ugu xiga kulanka ay u safrayaan Valencia horyaalka La Liga isbuuca soo socda ka hor inta aysan El Clasico ciyaarin 18ka bisha December.

Real Madrid ayaana sannadka 2019 ku soo cireysa kulan ay la ciyaarayaan Athletic Bilbao 22ka bisha December.

Xiddigaha kala ah Asensio, James, Lucas Vazquez, Hazard, Marcelo iyo Mariano ayaa dhaawac ku seegay kulanka habeen danbe ee Champions League.

Xiddigaha Real Madrid ee ka hortagaya Club Brugge:

Goolhayayaal: Courtois, Areola & Altube.

Daafacyo: Carvajal, Militao, Varane, Nacho, Odriozola & Mendy.

Khadadka Dhexe: Modric, Casemiro, Valverde & Isco.

Weeraryahano: Benzema, Bale, Jovic, Brahim, Vinicius & Rodrygo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here