Lionel Messi oo difaacanaya abaalmarinta Kabta Dahabka ee gooldhalinta Yurub ayaa haatan ku jira kaalinta todobaad ee kala sareynta gooldhalinta Yurub ka dib seddexleydii uu xalay dhaliyay kulankii ay ka badiyeen kooxda Real Mallorca.

Messi oo seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay ku guuleystay abaalmarinta European Golden Shoe ayaa weli tartanka ku jira xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu shan gool ka danbeeyaa xiddiga hogaaminaya tartanka ee weeraryahanka Lazio Immobile kaasoo leh 17 gool.

Waxaa kaalinta labaad iyo seddexaad ku kala jira xiddiga Bayern Munich Robert Lewandowski kaasoo 16 gool ka dhaliyay horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan.

Halka weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy uu xawaare sarre ku socdo isagoo labo gool caawa ka dhaliyay Aston Villa taasoo la micno ah inuu 16 gool dhaliyay 16kii kulan ee la ciyaaray Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana uu shabaqa soo taabtay dhamaan sideedii kulan ee ugu danbeysay ee ay wada badiyeen Leicester.

Xiddiga lagu magacaabo Erik Sorga oo ka ciyaara horyaalka Estonia ayaa kaalinta afaraad ku jira isagoo dhaliyay xilli ciyaareedkan 31 gool laakiin gool walba oo horyaalka Estonia laga dhaliyo wuxuu u qalmaa hal dhibic.

Weeraryahanka kooxda Jarmalka Leipzig ninka lagu magacaabo Timo Werner ayaa ku jira kaalinta afaraad isagoo leh 15 gool xilli ciyaareedkan halka Messi uu leeyahay 12 gool.

Kala Sareynta Gooldhalinta Yurub:

1- Immobile – 17 gool – 34 dhibcood

2 – Robert Lewandowski – 16 gool – 32 dhibcood

3 – Jamie Vardy – 16 gool – 32 dhibcood

4 – Erik Sorga – 31 gool – 31 dhibcood (sababtoo ah horyaalka Estonia goolkii wuxuu u dhigmaa kaliya hal dhibic)

5 – Timo Werner – 15 gool – 30 dhibcood

6 – Ilia Shkurin – 19 gool – 28.6 dhibcood (sababtoo ah horyaalka Belarus goolkii wuxuu u dhigmaa 1.5 dhibcood)

7 – Lionel Messi – 12 gool – 24 dhibcood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here