Qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigtay kooxda Leicester City ayaa keentay inay guuleystaan kulankoodii sideedaad ee isku xiga ee Premier League iyagoo 4-1 ku xasuuqay kooxda Aston Villa oo marti loogu ahaa Villa Park.

Jamie Vardy ayaa shabaqa soo taabtay dhamaan sideedii kulan ee ugu danbeysay, waxaana uu ku dhow yahay inuu barbareeyo rikoorkii uu 11 kulan oo isku xigta shabaqa ku soo taabtay xilli ciyaareedkii ay Leicester City qaaday horyaalka.

Kulankii caawa Jamie Vardy ayaa dhaliyay labo gool halka labada gool kale ay Leicester u kala saxiixeen Kelechi Iheanacho iyo Jonny Evans iyadoo goolka qura ee Aston Villa uu dhaliyay Jack Grealish.

Leicester City ayaa sii xajisatay booska kaaliya labaad ee horyaalka Premier League iyagoo sideed dhibcood u jira kooxda hogaanka heysa ee Liverpool, waxayna lix dhibcood ka sarre mareen kooxda Manchester City oo kaalinta seddexaad ku jirta.

Manchester City ayaa xalay ay guuldarro ka soo gaartay kooxda deriskooda ee Manchester United taasoo keentay inay maanta lix dhibcood ka dib maraan Leicester.

Sabtida soo socota Leicester City waxa ay martigelin doontaa kooxda Norwich City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here