Arsenal ayaa guuldarro ceeb ah ay ku soo gaartay gurigeeda Emirates Stadium iyadoo kooxda Brighton oo marti u aheyd ay kaga badisay natiijo 2-1 ah, Gunners ayaa bilaa guul ah sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan waana rikoodhkoodii ugu xumaa tan iyo 1977 markaasoo ay 10 kulan bilaa guul noqdeen.

Brighton ayaa markii ugu horeysa taariikhda ku badisay garoonka Emirates Stadium kulan horyaalka ah.

30kii daqiiqo ee ugu horeysay waxaa kubada inteeda badan lagu ciyaarayay qeybta garoonka ee Arsenal iyadoo goolhaye Leno uu kubad halis ah ka beeniyay Maupay.

Brighton ayaana hogaan ay u qalantay u qabatay ciyaarta daqiiqadii 36aad markii koorno ay soo qaadeen uu madaxeeyay Groos, waxaa kubada xabadka ku dejiyay Connolly iyadoo Webster oo goolka horjoogay uu shabaqa cusjiyay.

Arsenal ayaa goolka ka dib hurdada ka yara kacday iyadoo kubad uu ka soo shaqeeyay Aubameyang oo uu madaxeeyay Willock laakiin waxaa badbaadiyay goolhaye Ryan.

Waxaa qeybtii hore lagu kala maray iyadoo Brighton ay 1-0 ku hogaamineyso kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.

expanded thumbnail

expanded thumbnail

Arsenal ayaa wax ka bedeshay qaab ciyaareedkeeda qeybtii labaad, waxayna taasi keentay inay goolka barbaraha helaan daqiiqadii 50aad iyadoo Lacazette uu shabaqa u soo taabtay.

Kubad koorno ah uu soo qaaday Mesut Ozil ayaa waxaa madaxeeyay Lacazette iyadoo kubada ay meel kore ka soo gashay shabaqa inkastoo ay u wada kaceen goolhaye Ryan iyo Kolasinac.

Daqiiqadii 63aad Arsenal ayaa mooday inay soo laabashadooda dhameystirantay markii David Luiz uu kubad laad xor aheyd shabaqa ku sii hubsaday, laakiin goolka waxaa diiday muuqaal caawiyaha garsooraha VAR iyadoo ku celiskii la daawaday uu muujinayay in Luiz uu offside ahaa.

Inkastoo Arsenal ay u muuqatay mid ka yara fiican sidii ay ahaayeen qeybtii hore ee ciyaarta, hadana waxay aad uga jilcanaayeen dhanka daafaca taasoo keentay in Brighton ay mar kale hogaanka ku soo laabato markii ay shabaqa soo taabteen daqiiqadii 80aad.

Aaron Moy ayaa ka soo xarooday garabka midig ee weerarka, isagoo karoos gaaban soo qaaday waxaana madax ku dhaliyay Maupay iyadoo goolhaye Leno uu awoodi waayay inuu badbaadiyo.

Waxa ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Brighton iyadoo Arsenal gurigeeda lagu garaacay.

Natiijada caawa ayaa la micno ah in Arsenal aysan wax guul ah gaarin muddo sagaal kulan ah tartamada oo dhan, waana guul la’aantoodii ugu dheereyd ee tan iyo bishii March 1977 markaasoo ay 10 kulan bilaa guul noqdeen.

Arsenal ayaa haatan ka dhacday kaalinta 10aad ee kala sareynta horyaalka iyagoo leh 19 dhibcood, waxay 10 dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here