Xiddigii hore khadka dhexe kooxda Barcelona Emmanuel Petit ayaa kashifay inuu markhaati u ahaa cunsuriyadii ka jirtay qolka labiska garoonka Camp Nou, iyadoo la xasuusto inuu xiddigaan hal fasal ciyaareed ku qaatay kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ka hor inta uusan Chelsea ku biirin.

Xiddiga reer France wuxuu go’aansaday inuu yimaado Camp Nou sanadkii 200, balse fasalkii xigay wuxuu iska soo xaadiriyay Stamford Bridge, balse wuxuu ka sheekeeyay cunsuriyadii uu kusoo arkay qolka labiska Barcelona iyo sida ay ciyaartoyda kooxda u ahaayeen kuwa dhalasho ahaan isku neceb.

Petit waxaa layaab ku noqotay in ciyaartoyda kooxda ay isku baheysan jireen qaab dhalasho ah, waxaana jiray dagaal xoogan oo markaas u dhaxeeyay ciyaartoyda kasoo jeeda gobolka Catalonia iyo kuwii reer Holland ee iyagana ku sugnaa kooxda.

“Waxaan khibrad u helay cunsuriyad” ayuu yiri Petit oo la hadlayay idaacadda RMC Sport, “Waxaan kula noolaa oo kusoo arkay qolka labiska Barcelona”

“Waa wax laga nixi karo, balse mar walba ayey dhacdaa iyo haddaba, inkastoo ay jiraan ciyaartoy ay si toos ah ugu dhacday”

“Waxaan imid wakhti xun” ayuu yiri Petit.

“Waxaa jiray dagaal qolka labiska oo ka dhaxeeyay xiddigaha reer Catalan iyo kuwa reer Holland”

“Waxaa kooxda tababare u ahaa Lorenzo Serra Ferrer, kaas oo aan laheyn awood ku filan ama lagama-maarmaan ay tahay iney ka muuqato qofka koox tababaraya”

“Wadaniyadda waa wax u dhaw cunsuriyanimo, markii ugu horreysay aan imid waxey ii sheegeen inaan barto luqada Catalan iskana dhaafo midda Spain”

“Waxaan u sheegay inaan joogo Spain, balse waxey ii sheegeen inaan joogo Catalonia”

“Waan ka dharagsanaa waxyaabahaas, marka ay dadka nafsadooda u aqoonsadaan si xad dhaaf ah, waxey aad ugu dhawaanayaan iney noqdaan cunsuriyaal”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here