Wargeyska Corriere dello Sport ayaa si lama filaan ah u abuuray duufaan kubadda cagta ah oo ay gadaal ka riixeyso shaki ku saabsan cunsuriyad kadib markii ay sawiro muran laga keenay ku iclaamiyeen kulanka weyn ee habeen dambe dhexmari doona kooxaha Inter Milan iyo As Roma.

Reer Galbeedka waxey leeyahiin maalin ay ugu yeeraan (Black Friday) oo lagu beego dhamaadka November sanad kasta, waxaana la sameeyaa dukaameysi, iyadoo dhaqankaan laga yaqaano wadamo badan oo uu ka mid yahay wadanka talyaaniga.

Jimcadii lasoo dhaafay 29-ka November ayey ku beegneed maalintaas, balse wargeyska Corriere dello Sport ayaa soo qaatay cinwaankii maalintaas isagoo ku dabaqay kulanka habeen dambe, balse sheekada muranka keentay waxey noqotay markii ay sawirka u isticmaaleen laba xiddig oo madow ah.

Sida sawirka ka muuqata labada xiddig ee Romelu Lukaku iyo Chris Smalling ayey adeegsadeen, iyagoo kuso qoray (Black Friday), waxaana loo arkay iney abuurayaan cunsuriyanimo hor leh, waxaana xusid mudan in dadka talyaaniga lagu tiriyo kuwa ugu badan ee sameeya falalkaan.

“Ujeedada maqaalka wargeyska run ahaantii waa mid wanaagsan” ayuu yiri sarkaal dhanka qorshayaasha u qaabilsan kooxda As Roma.

“Balse cinwaankaan ayaa gabi ahaanba daboolay fariinta la dagaalanka cunsuriyadda ee sheekada ka kooban tahay”

Sarkaalkaan wuxuu difaacay qormada, balse gabi ahaan wuxuu kasoo horjeestay cinwaanka, sidoo kale Inter Milan ayaa baraha bulshada kusoo daabacday: “Kubadda cagta waa dareen, dhaqan iyo walaalnimo, waan nahay waligeena waan ka hor imaan doonaa hab walba oo takoorid ah”

Ac Milan kama aamusin waxa dhacay waxey soo qoreen: “Waa wax aan gabi ahaanba la aqbali karin in la arko jaahilnimo nuucaan ah oo cunsuriyad ah”

“Waa wax laga xishoodo in la akhriyo” ayuu yiri Federico Pastorello oo ah wakiilka Romelu Lukaku.

“Ka wakiil ahaan, waxaan isku daynaa inaan difaacno macaamiisheena kana difaacno dhibaatooyinka waaweyn ee cunsuriyadda, sababtoo ah kaliya maahan wargeyska balse waa dhibaato aad ka arki karto garoomada, baraha bulshada iyo wadooyinka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Waan hubaa inuusan Romelu Lukaku ku faraxsaneyn arrintaan, balse waa qof u ad-adag inuu arintaan wajaho”

Si kastaba wargeyska Corriere dello Sport ayaa iska difaacay cinwaanka uu ka sameeyay maqaalka kulanka xiisaha badan ee habeen dambe ka dhici doona San Siro, waxaana u hadlay maqaal qoraha.

“Cadaan, madow ama jaale. Inaan diidno kala duwanaasho walbaa waa qeyb ka mid ah qaladaadka cunsuriyadda ee kasoo horjeeda midab kala sooca” ayuu yiri maqaal qoraha.

“Dadka leh maskax taam ah iyo caqliyad caadi ah, “Black Firday” waa kuwa doonaya oo hadana fahmi kara, iney aheyd kaliya wax loogu dabaal dago kala duwanaashaha”

“Hadii aadan fahmin, sababtoo ah ma awoodid ama maba dooneysid inaad fahamto”

Si kastaba wargeyska wuxuu ku dooday iney kaliya usoo qaateen kala duwanaashaha oo kaliya, kulanka wuxuu dhici doonaa iyadoo Inter Milan ay 37-dhibcood ku hogaamineyso Serie A-da, halka Roma ay leedahay 28-dhibcood.

Sidoo kale warbixinta waxey ku dareen cinwaan muujinaya in labadaan ciyaartoy ay yahiin kuwa ay ku daydaan jamaahiirta labada dhinac, isla markaana yahiin labada xiddig ee ku tartami doona kulanka maadaama ay mar kasoo wada ciyaareen Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here