Xulka qaranka Somalia ayaa sabtida ciyaari doona kulanka ugu horreeya tartanka CECAFA Senior Challenge Cup 2019 kaas oo ka bilaaban doona Uganda, waxeyna ciyaarta ugu horreysa la leeyahiin qaranka Djibouti.

Labada wadan ayaa ku wada jira group-ka A, waxeyna kula mideysan yahiin wadamada Uganda, Burundi iyo sidoo kale wadanka Eritrea.

Xiriirka kubadda cagta Uganda ee (FUFA) ayaa ku dhawaaqay in kulanka labada xul lagu ciyaarayo dagmada Wakiso oo ka mid ah dagmooyinka Kampala, waxaana loo xulay garoonka kabaka kyabaggu Sports Stadium oo dadaka Soomaalida ah ee ku nool halkaas ku sheegeen garoon ku yaala meel aan loo riyaaqi karin.

Sidoo kale xulka Uganda wuxuu kulankiisa ugu horreeya la ciyaari doonaa Burundi, waxeyna ku ciyaari doonaan garoonka Nelson National Stadium ee ku yaala isla magaalada Kampala, waana mid ka mid ah garoomada ugu casrisan ee ku yaala dalka Uganda.

Xiriirka kubadda cagta Uganda waxey xaqiijiyeen in kulankaas lagu daawan doono si lacag la’aan ah si ay qarankooda u helaan taageerayaal badan, waxeyna ku shaaciyeen bogga ay ku leeyahiin Facebook.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here