Lionel Messi ayaa qirtay inuu taageero weyn u yahay weeraryahanka reer Senegal Sadio Mane ka dib markii la shaaciyay inuu u codeeyay weeraryahanka Liverpool abaalmarintii uu ku guuleystay ee xiddiga sannadka adduunka ee FIFA.

Labada nin ayaa isaga horyimid semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay taasoo keentay in Liverpool ay si mucjiso ah uga soo gudubto Barca islamarkaana ku guuleysato koobka.

“Waxaa jiro ciyaartoy badan oo waa weyn, sidaasi darteed waa ay adkeyd inaan xulasho sameeyo.” ayuu Lionel Messi u sheegay Canal+.

“Laakiin waxaan xushay Mane sababtoo ah waa ciyaaryahan aan jeclahay inaan daawado, waxaa soo maray sannad weyn, waxaana uu muhiim u ahaa guulihii ay gaartay kooxda Liverpool”

Messi ayaa booska labaad ugu codeeyay Cristiano Ronaldo halka uu seddexaad ugu codeeyay xiddiga ay isku kooxda yihiin Frenkie de Jong.

Messi ayaana ugu danbeyn ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA ee loo yaqaano The Best.

Messi ayaa sidoo kale ku guuleystay rikoodh markii lixaad ah abaalmarinta Ballon d’Or isagoo ka qaaday daafaca kooxda Liverpool Virgil van Dijk halka Sadio Mane uu kaalinta afaraad ka soo galay tartanka Ballon d’Or.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here