(London) 05 Dis 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa caawa garoonkeeda Emirates ku soo dhoweynaysa naadiga Brighton & Hove Albion, waxaana Gunners ay eegeysaa inay soo gabagabayso lix kulan oo xiriir ah oo ay guul gaari weysay horyaalka Premier League.

Dhinaca kale Seagulls ayaa u safreysa Waqooyiga London iyadoo dhankeeda la dhibtoonaysa saddex guuldarro xiriir ah oo isku xiga oo ay la kulantay ciyaaraha sare ee horyaalka, waxaana kooxdu ay fadhisaa kaalinta 16-aad ee kala sarreynta horyaalka, halka Arsenal ay fadhiso kaalinta 10-aad.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Taariikhda: Khamiis, 05 Dis 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:15 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Graham Scott (England)

Garoonka: Emirates Stadium

Wararka Kooxaha:-

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaan la dhibtoonayn wax dhaawacyo cusub ah kulanka ay soo dhoweynayaan Brighton inkastoo xiddiga garabka midig ee daafaca Hector Bellerin la qiimeyn doono kaddib markii labadii kulan ee ugu dambeeyey uu ku seegay sababo la xiriira dhaawac muruqa ah.

Daafaca dhexe ee Rob Holding iyo laacibka khadka dhexe ee Gunners, Dani Ceballos ayaa sii wadan doona kulankan maqnaanshahooda.

Daafaca Brighton ee Bernardo ayaa ku soo laaban doona garoommada kaddib saddex bilood oo uu ku maqnaa dhaawac jilibka ah.

Solly March iyo Weeraryahan Jose Izquierdo ayaa weli garoomada ka sii maqnaan doona, waxaana ay kala sheeganayaan dhaawacyo gumaarka iyo jilibka ah.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

>- Arsenal ayaa guuldarro garoonkeeda ku qaadan iyadoo kula ciyaareysa Brighton tartan walba, iyado guuleysatay lix jeer, barbaraha la gashay labo kale, isla markaana shabaqeeda gool ka ilaashatay lix kulan.

>- Arsenal ayaa kaliya hal khasaaro la kulantay 25-keedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay garoonkeeda ku ciyaartay (17 Guul iyo 7 Barbaro), inkastoo ay guul la’aan tahay saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ku dheeshay Emirates oo ay gashay saddexdaba barbaro, markii ugu dambeysay oo afar kulan ay guul ku gaari weyso garoonkeeda waxa ay ahayd bishii Agoosto 2012-kii, halka markii ugu dambeysay ay sidaas sameysay hal xilli ciyaareed ay ahayd bishii Febraayo 1995, markaasoo aysan 8 kulan garoonkeeda ku adkaan.

>- Kooxda Arsenal ayaa ku guuldarreysatay inay gool dhaliso labo ka mid ah 59-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay garoonkeeda ku ciyaartay, labadaas kulan ayaana yimid iyadoo ka horjeeday Manchester City, iyadoo natiijooyinku ku dhammaadeen 0-3 March 2018 iyo 0-2 August 2018.

>- Brighton ayaa guuldarro la kulantay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo ay ku soo ciyaartay bannaanka ama meel ka baxsan garoonkeeda, marnaba khasaaro lama kulmin shan kulan oo xiriir ah tartankan oo ay marti ahayd, markii ugu dambeysay oo ay kulamo badan horyaalka bannaanka guuldarro ku soo qaadatay waxay ahayd bishii Maarso markaasoo siddeed kulan guuldarro la soo kulantay.

>- Tan iyo markii ay 3-0 ku garaacay Watford todobaadkii ugu horreeyey ee furitaanka horyaalka, Brighton ayaa guul la’aan ah lixdii kulan ee ugu dambeeyey oo ay horyaalka ku soo ciyaartay bannaanka (Away) 1 barbaro iyo 5 guuldarro, waxa ay dhalisay kaliya saddex gool waqtigaas, dhammaan goolashaas ayaana waxaa u dhaliyey daafacyo, Lewis Dunk ayaana shabaqa soo taabtay labadii kulan ee ugu dambeysay ee ay marti ahaayeen.

>- Pierre-Emerick Aubameyang ayaa Arsenal hoggaanka u dhiibay 10-daqiiqo ee ugu horreeyey labadii kulan ee horyaalka Premier League ay la ciyaareen Brighton xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, si kastaba Seagulls ayaa ka soo laabtay goolashaas isla markaana barbaro 1-1 ka dhigtay labada kulan.

>- Arsenal ayaan wax guul ah gaarin siddeed kulan tartammada oo dhan (6 Barbaro iyo 2 Guuldarro) – haddii ay ku guuldarreystaan inay garaacaan Brighton, waxay noqon doontaa guuldarradoodii ugu xumeyd tan iyo bishii Maarso 1977-dii, taasoo ah 10 kulan.

>- Lix ka mid ah siddeedii kulan ee ugu dambeeyey Premier League oo Brighton ay dhalisay ayaa ku dhashay kubaddaha la soo karooso ama la soo qaado {afar laadadka xorta ah (free-kicks), Gees laad (corner) iyo gool ku laad (penalty)} siddeedeedii gool ee ugu horreysay xilli ciyaareedkaan ayaana dhamaantood ahaa goolal furan.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here