Xiriirka aan lasoo dhaweynin ee ka dhaxeeya Paulo Dybala iyo fanaanadda caanka ah ee reer Mareykan Rihaana ayaa sii noqonaya mid la wada ogaado kadib markii labadaan shaqsi ay isku raaceen xaflad lagu qabanayay London.

Dhawaan ayey aheyd markii Rihaana ay soo booqatay garoonka Juvetnsu Allianz si ay u daawato kulankii ay guusha ka gaareen Atletico Madrid iyadoo xiran maaliyadda Paulo Dybala, waxaana jirtay dhawr jeer oo ay sawir wada galeen labadaan shaqsi.

Sida ay saxaafadda Argentina iyo kuwa talyaaniga baahiyaan, lama garan karo waxa isku soo dhaweeyay labadaan shaqsi, balse safarkaan London wuxuu iftiimiyay iney saaxiibtinimo caadi ah ka dhaxeyso labadaan shaqsi maadaama ay xiddiga reer Argentina ay la socotay gabadha ay xiriirka leeyahiin ee Oriana Sabatini.

Paulo Dybala iyo Oriana Sabatini ayaa xiriirkooda uu soo bilowday sanadkii hore, waxeyna ka muuqataa sawirka, sidoo kale sawirka waxaa ku jira Rorrey Fenty oo ah walaalka fanaanadda Rihaana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here