Manchester United ayaa maanta garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweynaysa Tottenham oo uu hoggaaminayo Jose Mourinho oo markii ugu horreysay ka hor tegaya kooxdiisii hore tan iyo markii loo magacaabay tababaraha Spurs saddex toddobaad ka hor.

Manchester United oo la sheegayo inay shaqada ka caydhin doonto Ole Gunnar Solskjaer haddii ay guul-darraysato, ayaa waxay ku jirtaa qaab-ciyaareedkeedii ugu liitay tan iyo xili ciyaareedkii 1988-98, waxaanay toban dhibcood oo kaliya ka keentay sagaalkii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League.

Marka Tottenham ay garoonka soo gasho, waxay jamaahiirta Red Devils qalinka u qaadan doonaan qiimaynta iyo kala-duwanaanshaha labada tababare, labada kooxood iyo isbarbar-dhig ay ku samayn doonaan isbeddelka uu Jose Mourinho ku sameeyey kooxda uu hadda wato oo maalmo ka hor shaqada ka caydhisay Mauricio Pochettino, isla markaana dib ugu soo celiyey dariiqa guusha oo uu keenay kaalinta shanaad ee kala-sarraynta dhicbaha.

Dhibaatooyinka haysta Man United, waxa intooda badan sababay dhaawacyo iyo dhalinta goolasha oo ku yaraatay, laacibkoodana ugu goolasha badannna waa Marcus Rashford oo saxeexay saddex goo loo kaliya, afar kalena caawiyey 14 ciyaarood oo uu kusoo bilowday safka hore, halka Tottenham uu halyey u noqday Dele Alli oo tan iyo intii uu Mourinho yimid isku rogay xiddiga iyo dhaliyaha kooxda, isagoo booska kala baxay Son Heung-min iyo Lucas Moura.

Xogta Ciyaarta:

Kulanka: Man United vs Tottenham

Tartanka: Premier League, kulamada 15aad

Waqtiga: 10:30 pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Old Trafford

Garsooraha: Paul Tierney

 

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Scott McTominay oo dhaawac ku maqnaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayaa la filayaa inuu kusoo laabto shaxda Manchester United, waxaana sidoo kale fursaddiisa heli doona Jesse Lingard halka Andreas Pereira iyo Juan Mata oo kulankii hore lagu soo bilaabay ay kaydka geli karaan.

Nemanja Matic ayaa isagona kusoo laabtay kooxda, laakiin waxa aan taam ahayn Paul Pogba oo dhaawac ah.

Dhinaca Tottenham, waxa khadka dhexe kusoo wada bilaaban doona Harry Winks iyo Tanguy Ndombele, waxaase kaydka kasoo muuqan kara LucasMoura oo uu tababaruhu ka doorbidayo Delle Alli, Harry Kane iyo Song.

Danny Rose ayaa beddelaya Vertonghen oo bidixda ka ciyaaray kulankii ugu dambaysay, laakiin shaxda rasmiga ah waxaanu idinla wadaagi doonaa saacad ka hor bilowga ciyaarta.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Williams; McTominay, Fred; James, Lingard, Rashford; Martial

Tottenham Hotspur: Gazzaniga; Aurier, Alderweireld, Sanchez, Rose; Dier, Winks; Sissoko, Alli, Son; Kane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here