Peirre-Emerick Aubameyang ayaa ka xumaaday jawaabtii uu feeryahan Anthony Joshua bixiyay markii la weydiiyay xiddigii dagaal feer ah ku badin lahaa isaga iyo weeraryahanka Tottenham Harry Kane iyadoo Joshua uu doortay Kane.

Weeraryahanka Gunners ayaa jawaab ka bixiyay muuqaal internetka la soo dhigay oo feeryahanka miisaanka culus lagu weydiiyay cidii feer ku badin laheyd labada xiddig ee kubada cagta.

Joshua ayaa la tusay sawirada xiddigaha Arsenal iyo Tottenham, waxaana la weydiiyay xiddigii ciyaar feer ah badin lahaa.

Ka dib markii uu in cabaar ah ka fekeray waxa uu guusha u saadaaliyay xiddiga Tottenham.

Waxa uu yiri: “Ok. Waa mid ay adag tahay in go’aan laga gaaro, laakiin waxaan guusha siin lahaa Kane.”

BBC Sport ayaa muuqaalka soo dhigtay bogooda Twitter, waxaana durbadiiba jawaab degdeg ah ka bixiyay Aubameyang.

Taageerayaasha ayaa iyagana jawaabo kala duwan ka bixiyay iyadoo taageere uu soo qoray: “Joshua wuxuu isku dayayaa inuu ka farxiyo Kane madaama aad adiga kabta dahabka ku guuleysatay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here