Manchester United ayaa geli laheyd kaalinta seddexaad ee kala sareynta Premier League haddii kulamada xilli ciyaareedkan ay dhamaan lahaayeen qeybta hore.

Red Devils ayaa iska qasaarisay afar jeer oo ay hogaanka heysay qeybta hore xilli ciyaareedkan.

Waxa ay iska qasaariyeen hogaan hal gool ah kulamadii ay la ciyaareen Liverpool, Arsenal, Southampton iyo Wolves.

Waxay taasi niyadjab ku tahay tababare Solskjaer kaasoo wajahaya ceyrin haddii kooxdiisa ay guuldarooyin ka soo gaarto labada kulan ee soo socota ee Tottenham iyo Manchester City.

United ayaa badisay kaliya afar kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan.

Waxayna haatan marayaan seddex kulan oo bilaa guul ah tartamada oo dhan ka dib markii ay barbaro 2-2 la galeen kooxda Aston Villa Axadii.

Liverpool ayaa hogaanka sii heyn laheyd xitaa haddii ay ciyaaraha dhamaan lahaayeen qeybta hore.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa afar guul ah gaartay iyadoo hogaanka laga hayo ama iyo barbaro ku dhameysan raba.

Labo gool oo ay kala dhaliyeen daqiiqadii 87aad iyo 94aad ayay Liverpool 2-1 kaga badisay Aston Villa bishii la soo dhaafay.

Halka soo laabasho qeybtii labaad ah ay u baahnaayeen kulankii Tottenham ee Anfield.

Sheffield United oo u muuqatay inay barbaro heleyso ayay Reds goolka guusha ka dhalisay qeybtii labaad kulankii garoonka Bramall Lane.

Man City, Chelsea iyo Spurs ayaa kaalimaha seddexaad, afaraad iyo shanaad soo kala geli lahaa haddii kulamada ay dhamaan lahaayeen qeybta hore xilli ciyaareedkan.

 How the Premier League table would look if all games ended at half-time

 How the Premier League table would look if all games ended at half-time

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here