Difaaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Virgil van Dijk oo Lionel Messi uu kaga guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican caalamka ee Ballon d’Or ayaa ka hadlay maqnaanshihii Cristiano Ronaldo ee xafladda.

Laacibka reer Portugal ee Ronaldo ayaan imanin madashii xalay oo uu kaalinta saddexaad ka galay, iyadoo ay ka horreeyeen Lionel Messi oo abaal-marinta qaatay iyo Van Dijk oo labaad galay, hase yeeshee waxa uu ka qayb-galay xaflad lagu bixinayey abaal-marinta ciyaartoyga ugu wanaagsanaa waddanka Talyaaniga xili ciyaareedkii tegay oo uu isagu ku guuleystay.

Ka hor intii aan lagu dhawaaqin guuleystay, waxa warbaahintu weydiiyeen ciyaartoygii tartamayey su’aalo ku saabsanaa sida uu dareenkoodu yahay iyo waxay rajaynayaan, laakiin Van Dijk ayaa waxa uu wariyuhu su’aalay ka maqnaanshaha Cristiano Ronaldo ee xafladda.

Van Dijk ayaa si kooban uga jawaabay su’aashaas, hase yeeshee afar kalmadood oo afkiisa kasoo baxay ayaa yeeshay saamayn ay dad badan jawaab ka bixiyeen.

Wariyaha oo makarafoonka hor haya Van Dijk ayaa waxa uu weydiiyey su’aal u dhignayd: “Ronaldo halkan ma joogo, taasi maka dhigan tahay in hgal tartame uu mar horeba meesha ka baxay?”

Van Dijk ayaa si kooban ugu jawaabay: “Oo ma marka hore ayuu tartanka ku jiray?”

Hadalkan ayaa waxa layskula wadaagay baraha bulshada, waxaana ka falceliyey dad badan oo ay ku jiraan ciyaartooyo hore oo aan jeclaysanin ereyada noocaas ah ee kasoo yeedhay Virgil van Dijk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here