Liverpool ayaa lagu waramayaa inay u soo muuqatay kuwa ugu cadcad saxiixa xiddiga Ingariiska Jadon Sancho.

Xiddiga Borussia Dortmund ayaa si weyn loola xiriirinayay Manchester United.

Laakiin Jan Aage Fjortoft oo ah ciyaaryahan hore oo suxufi noqday ayaa sheegay in tababarihii hore ee Dortmund Jurgen Klopp inuu haatan ugu cadcad yahay soo xerogelinta Jadon Sancho.

Waxa uu intaas ku daray in Sancho uu doonayo inuu isaga tago Jarmalka bisha Janaayo ee soo socota.

Sancho ayaan ku faraxsaneyn garoonka Signal Iduna Park waxayna arintaas soo bilaabatay isbuucyadii ugu danbeysay.

19 jirkaan ayaa lagu ganaaxay 86 kun ginni madaama uu xilli danbe ka soo laabtay waajibaadkiisa qaran ee England, waxayna taasi keentay in laga saaro shaxda kooxda.

Waxaa ka dib lagu qasbay inuu kaligiis tababar sameeyo iyadoo roob uu da’ayo.

Tababare Lucien Favre ayaa bedelay kaliya 36 daqiiqo markii uu garoonka ku jiray kulankii Bayern Munich ee bishii November.

Xiddiga ka soo jeeda Koonfurta London ayaa sidoo kale kursiga keydka la dhigay kulankii Champions League ee ay u safreen Barcelona.

Si kastaba, qaab ciyaareedkiisa ayaa weli ah mid fiican isagoo mar walba oo fursad la siiyo wacdarro dhigaya.

Waxa uu bedel ku soo galay kulankii Barcelona isagoo dhaliyay gool fiican.

Waxa uu dhaliyay gool kale markii uu ku soo noqday shaxda kooxda iyadoo Dortmund ay 2-1 ku garaacday Hertha Berlin Sabtidii.

Ka dib ciyaartii Barcelona waxaa la weydiiyay sida uu u arko inuu iska waayay shaxda kooxda.

Xiddiga Ingariiska ayaa ku jawaab celiyay inaan loo ogoleyn inuu la hadlo saxaafada,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here