(Madrid) 01 Dis 2019. Barcelona ayaa guul dirqi ah kaga soo gaartay kooxda Atletico Madrid garoonka Wanda Metropolitano, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-1, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray babaro 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ciyaarta, labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 86-aad kooxda Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta waaana 0-1 ka dhigay Lionel Messi, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Luis Suarez.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 0-1 ay guusha ku raacday kooxda Barcelona oo marti ugu aheyd Atletico Madrid garoonka Wanda Metropolitano.

SAWIRRO

Gool FM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here