Real Madrid ayaa guul ka qaadatay kooxda Deportivo Alaves iyadoo marti ah, waxeyna haatan hogaanka u heysaa La Liga iyadoo kulan ka horreysa kooxda Barcelona oo habeen dambe la ciyaari doonta Atletico Madrid, balse intii ay socotay ciyaartii maanta waxaa lasoo calaameeyay laba dhacdo oo garsooraha lagu amaanay.

Intii ay ciyaarta socotay xiddigii hore Barcelona (Aleix Vidal) ayaa isku tuuray xerada ganaaxa kadib markii ay tartameen Eder Militao daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta, balse garsooraha kulanka ayaa ka diiday oo ka socday.

Garsoore hore Juan Andujar Oliver kana tirsan khabiirada shabakadda Marca ayaa ku raacay garsooraha inuu ku saxnaa wixii dhacay.

“Cuadra Fernandez wuu saxnaa” ayuu yiri Andujar Oliver oo idaacadda Marca fadhiyay.

“Ma jirin xiriir ku filan oo labada dhinac dhexmaray si rigoore loo dhigo”

“Xiddiga Alaves wuxuu isku dayay inuu qaldo garsooraha, wuxuuna isku riday xerada ganaaxa dhexdeeda”

“Garsooraha wuu ku saxnaa inuu kaarka jaalaha siiyo Vidal, VAR ayaana garab istaagtay go’aanka garsooraha”

Dhinaca kale Khabiirka wuxuu garsooraha ku amaanay inuu rigoore ka dhigay Sergio Ramos oo suxul ku dhuftay Joselu isagoo ku sugan xerada ganaaxa, waxaana rigoorada gool u badalay Lucas Perez.

“Rigoorada ma aheyn wax laga doodo” ayuu yiri Andujar.

“Sergio isagoo xerada ku sugan ayuu qalad galay, wuxuuna wajiga suxul uga dhuftay Joselu isagoo ujeedo ka damacasan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here